• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Ciidamada Somaliland oo hub iyo gaadiid dagaal ka qabtay beelo ku dagaallamay…..

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Ciidamada Somaliland oo hub iyo gaadiid dagaal ka qabtay beelo ku dagaallamay…..
Share

Wararka24: Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa hawlgallo ka fuliyay gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay haysteen dhinacyadii ku lug lahaa colaadaha beeleed ee dhowaan ka dhacay deegaannadaasi.

Ciidamada ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay hawlgallada ku soo qabteen, iyagoo sheegay in aan shacabka loo oggolaan doonin inay si sharci-darro ah u haystaan hub ama gaadiid dagaal.

Taliska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo hub la soo baxda ama isku dayda inay dib u huriso colaadda ka taagan galbeedka Somaliland.

Hawlgalladan ayaa kusoo beegmaya kaddib markii dhinacyadii ku dagaallamay Awdal iyo Salal ay jebiyeen heshiis nabadeed oo ay horey u gaareen, kaas oo dhigayay in la ilaaliyo xabbad-joojinta lagana fogaado tallaabo kasta oo sababi karta in dagaalku dib u billowdo.

Sida heshiiska lagu qeexay, ciidamada ayaa loo xilsaaray inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda, isla markaana ay awood u adeegsadaan cid kasta oo lagu qabto hub ama lagu eedeeyo inay dib u hurinayso colaadda.

Colaadda ka taagan deegaannada galbeedka Somaliland ayaa soo bilaabatay bishii November 2025, kaddib khilaaf ka dhashay bandhig la qorsheeyay in magaalada Saylac loogu qabto buugga Xeer Ciise, kaas oo ay diideen qaar ka mid ah beelaha magaalada wada dega.

Tan iyo markii khilaafku isu beddelay iska horimaadyo hubaysan, waxaa dhowr jeer la isku dayay in dhinacyada lagu heshiisiiyo, waxaana la gaaray heshiisyo nabadeed oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda.

Si kastaba, xabbad-joojinta ayaa marar badan burburtay, iyadoo ay dib u soo noqdeen iska horimaadyada. Hawlgallada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in hubka looga dhigo dhinacyada isku haya colaadda iyo in la dhaqan-geliyo heshiisyada nabadeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa horey u sheegtay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay dib u bilowdo dagaal beeleed ama si sharci-darro ah u haysata hub iyo gaadiid dagaal.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.