Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Ciidamada Somaliland oo hub iyo gaadiid dagaal ka qabtay beelo ku dagaallamay…..

Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa hawlgallo ka fuliyay gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay haysteen dhinacyadii ku lug lahaa colaadaha beeleed ee dhowaan ka dhacay deegaannadaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 25, 2026, 5:59 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Ciidamada Somaliland oo hub iyo gaadiid dagaal ka qabtay beelo ku dagaallamay…..
Share

Wararka24: Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa hawlgallo ka fuliyay gobollada Awdal iyo Salal, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay haysteen dhinacyadii ku lug lahaa colaadaha beeleed ee dhowaan ka dhacay deegaannadaasi.

Ciidamada ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay hawlgallada ku soo qabteen, iyagoo sheegay in aan shacabka loo oggolaan doonin inay si sharci-darro ah u haystaan hub ama gaadiid dagaal.

Taliska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo hub la soo baxda ama isku dayda inay dib u huriso colaadda ka taagan galbeedka Somaliland.

Hawlgalladan ayaa kusoo beegmaya kaddib markii dhinacyadii ku dagaallamay Awdal iyo Salal ay jebiyeen heshiis nabadeed oo ay horey u gaareen, kaas oo dhigayay in la ilaaliyo xabbad-joojinta lagana fogaado tallaabo kasta oo sababi karta in dagaalku dib u billowdo.

Sida heshiiska lagu qeexay, ciidamada ayaa loo xilsaaray inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda, isla markaana ay awood u adeegsadaan cid kasta oo lagu qabto hub ama lagu eedeeyo inay dib u hurinayso colaadda.

Colaadda ka taagan deegaannada galbeedka Somaliland ayaa soo bilaabatay bishii November 2025, kaddib khilaaf ka dhashay bandhig la qorsheeyay in magaalada Saylac loogu qabto buugga Xeer Ciise, kaas oo ay diideen qaar ka mid ah beelaha magaalada wada dega.

Tan iyo markii khilaafku isu beddelay iska horimaadyo hubaysan, waxaa dhowr jeer la isku dayay in dhinacyada lagu heshiisiiyo, waxaana la gaaray heshiisyo nabadeed oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda.

Si kastaba, xabbad-joojinta ayaa marar badan burburtay, iyadoo ay dib u soo noqdeen iska horimaadyada. Hawlgallada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in hubka looga dhigo dhinacyada isku haya colaadda iyo in la dhaqan-geliyo heshiisyada nabadeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa horey u sheegtay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay dib u bilowdo dagaal beeleed ama si sharci-darro ah u haysata hub iyo gaadiid dagaal.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

16 hours ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.