• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekedda Boosaaso oo hakad galay maalintii tobnaad hadib Khilaaf ka dhashay canshuuraha

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekedda Boosaaso oo hakad galay maalintii tobnaad hadib Khilaaf ka dhashay canshuuraha
Share

Wararka24: Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekedda Boosaaso ayaa hakad galay maalintii tobnaad, kadib muran ka dhashay khidmadaha cusub ee ay Dowladda Puntland iyo shirkadda DP World ku soo rogeen adeegyada dekedda.

Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegay inaysan diidnayn bixinta canshuuraha waajibka ah, balse ay ka cabanayaan lacagaha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda xilli ay jiraan sicir-barar, abaaro iyo hoos u dhac dhaqaale. Waxay sheegeen in khidmadaha cusub ay culays ku noqonayaan ganacsiga iyo macaamiisha.

Jaamac Hurre, oo ka mid ah ganacsatada Boosaaso, ayaa sheegay in shaqo joojinta dekeddu ay hakisay isu socodkii badeecadaha, isla markaana suuqyada magaalada qaarkood ay albaabada u xirteen si ay u muujiyaan taageerada cabashada ganacsatada. Wuxuu ka digay in haddii aan xal degdeg ah la helin ay mudaharaadyadu ku fidi karaan deegaanno kale.

Ganacsatadu waxay sheegeen inay dhowr jeer wada hadal la yeesheen Dowladda Puntland, balse aan weli lagu guuleysan in heshiis laga gaaro muranka. Waxay ugu baaqeen maamulka Puntland inuu bilaabo wadaxaajood miro-dhal ah si dib loogu furo dekedda loona soo afjaro khilaafka.

Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa difaacay hirgelinta khidmadaha cusub, isagoo sheegay inay qayb ka yihiin heshiiska horumarinta iyo casriyeynta dekedda Boosaaso. Wuxuu xusay in dowladda ay muddo laba sano iyo bar ah dib u dhigtay dhaqangelinta kordhinta si loo tixgeliyo duruufaha ganacsatada.

Sida uu sheegay wasiir ku xigeenku, wajigii koowaad ee mashruuca horumarinta dekedda ayaa la dhammaystiray sannadkii 2023, waxaana ka mid ahaa ballaarinta dekedda, dayactirka qaybihii hore, casriyeynta qalabka iyo hagaajinta adeegyada dekedda. Dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaysa wajiga labaad oo ay ku jiraan dhismaha terminal cusub iyo marin gaar ah oo loogu talagalay dhoofinta xoolaha.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku baaqay in ganacsatadu ay qaataan nidaamka cusub ee khidmadaha, iyagoo sheegay in dakhliga laga helo uu muhiim u yahay sii wadista horumarinta kaabayaasha dekedda.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa ku adkeysanaya in xal lagu gaaro wadahadal si looga fogaado saameyn dhaqaale oo sii ballaarata, maadaama xirnaanshaha dekeddu uu keeni karo kororka qiimaha badeecadaha iyo yaraanshaha sahayda gaarta Boosaaso iyo deegaannada ku tiirsan dekedda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.