Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Roobab iyo daadad hakiyay isku socodka Boosaaso iyo Qardho

Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya qaybo kamid ah Puntland ayaa sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka, gaar ahaan waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 3:20 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Roobab iyo daadad hakiyay isku socodka Boosaaso iyo Qardho
Share

Wararka24: Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya qaybo kamid ah Puntland ayaa sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka, gaar ahaan waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ay shacabka ugu baaqayaan inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen, si looga fogaado shilal iyo khasaarooyin ka dhasha roobabka socda.

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in Togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir uu qaaday gaadiid waaweyn, halka daadad kale oo ka yimid Togga Buraan ay sidoo kale saameeyeen gaadiid marayay halkaas. Dadka deegaanka iyo safarrada ku jira ayaa codsanaya gurmad iyo feejignaan dheeraad ah.

Daadadka ayaa hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee waddada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Qardho, taas oo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo safarrada dadka.

Booliiska Puntland ayaa shacabka ku adkeeyay inay ka fogaadaan isku dayga ay kaga gudbayaan togagga iyo meelaha ay biyuhu si xooggan u socdaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha hay’adaha ammaanka iyo kuwa gurmadka.

Roobabkan ayaa qayb ka ah xilli-roobaadka Gu’ga oo ka curtay deegaanno badan oo ka tirsan Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in daadad dheeraad ah ay saameyn ku yeeshaan waddooyinka iyo deegaanada ku dhow togagga waaweyn.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.