Hargeysa – Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warramaysa in weerar ka dhacay magaalada Hargeysa lagu bartilmaameedsaday dad Itoobiyaan ah, halkaas oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.
Dhacdadan ayaa dhalisay walaac ballaaran, iyadoo maamulka Somaliland lagu eedeeyay in uu qaaday tallaabo ka baxsan sharciga, laguna tilmaamay inuu u dhaqmayo “qaab jabhad”.
Booliska Somaliland ayaa dhacdadan kadib digniin kasoo saaray, iyagoo ku baaqay in aan la dhibaateynin dadka Oromada ah ee ku nool Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee maamulka. Sidoo kale waxay ballanqaadeen in la ilaalin doono ammaanka dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland.
Ilo madax-bannaan oo gudaha ah ayaa xaqiijiyay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed oo dhacay, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee dhaawacyada wali si rasmi ah looma shaacin. Kooxda Oromo Support Group ayaa sheegtay in weerarro hore uga dhacay gobollada galbeedka Somaliland lagu beegsaday dadka Oromo, isla markaana ay jireen dhaawacyo iyo hanti burburtay.
Dowladda Itoobiya ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid “halis ku ah nabadda iyo deris-wanaagga,” iyadoo ku eedeysay Somaliland in ay jebisay xeerarka deris-wanaagga. Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa hore u sheegay in dadka ajaanibta ah la ilaalin doono, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo dhibaato u geysanaysa muwaadiniinta Itoobiya.