Wararka24: Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Republicans Mareykanka, Brandon Gill oo laga soo doorto Texas, ayaa sii xoojiyay ololihiisa ay ku rabaan in lagu masaafuriyo Ilhaan Cumar, xildhibaanadii ugu caansan ee Maraykanka. Gill, oo toddobaadkii hore ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar, ayaa haatan sii xoojiyay dadaalkiisa, isagoo taageerayaashiisa ku dhiirrigelinaya inay saxiixaan codsi arrintaas la xiriira.

Ololaha Gill ayaa diray fariin dhaqaale ururin ah oo cinwaankeedu yahay “Codsi: Masaafuri Ilhaan Cumar.” Fariintaasi waxay xustay in “waxay aheyd in aan marna ogolaan inay dalkeenna soo gasho,” iyadoo loola jeedo Ilhaan Cumar oo ah Somali-American.
“Saxiix codsigeyga, aan dib ugu celinno Soomaaliya, halka ay asal ahaan ka timid,” ayaa lagu yiri qoraalka codsiga, sida ay werisay warbaahinta Axios. Fariinta sidoo kale waxay Cumar ku eedeysay inay “gacan ka geysaneyso duullaan ballaaran oo lagu hayo dalkeenna,” iyadoo lagu doodayo in “bulsho caadi ah arrintaas ugu yeeri lahayd khiyaano qaran.”
Gill wuxuu u muuqday inuu ka jawaabayay muuqaal ay Ilhaan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyada oo u sheegtay in aysan “waajib ku ahayn inay ka jawaabaan su’aalaha ay waydiinayaan saraakiisha ciidanka wax masaafuriya ee ICE.” Waxay sidoo kale ugu baaqday inay “bartaan sharciyada oo ay is diyaariyaan.”
Ilhaan Cumar waxay si adag uga falcelisay weerarka,
Iyadoo bayaan ay soo saartay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsoodo in xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay si cad ugu dhiirradaan inay adeegsadaan hadallo cunsuriyad iyo xagjirnimo leh.”
“Isku dayga Rep. Gill ee ah inuu sumcad ku kasbado hanjabaadda masaafurinta muwaadin Mareykan ah oo sharciyeysan, kaliya maxaa yeelay uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo, waa tallaabo toos uga timid buugga aragtida xagjirka ah ee Donald Trump,” ayey tiri Ilhaan.
Waxay xustay in iyada oo qaxooti ah ay Mareykanka timid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1995, ayna muwaadin Mareykan ah noqotay shan sano kadib. Xiisadda ayaa billaabatay toddobaadkii hore, kadib markii Gill uu bartiisa X kusoo qoray: “Mareykanka wuxuu noqon lahaa meel sidan ka wanaagsan haddii Ilhan omar dib loogu celiyo Soomaaliya.”
Qoraalkaas waxaa la socday muuqaal lagu eedeeyay Ilhaan Cumar inay qaban-qaabinayso aqoon-is-weydaarsi lagu barayo Soomaalida sida ay uga fogaadaan in la masaafuriyo. Elon Musk ayaa isna wadaagay muuqaalkaas, isagoo ku doodaya in Cumar ay “jebisay sharciga,” taasoo keentay in xildhibaanaddu si toos ah uga falceliso..
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin


















