Wararka24: Ururka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni.
War saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac ku saabsan kororka xiisadaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ururku ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta in xaaladdu kasii darto.
IGAD waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal loo dhan yahay, iyadoo la adeegsanayo hannaan qaran oo horey u jiray.
Ururka ayaa dib u xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay fududeynta wada hadal iyo dib u heshiisiin.
Baaqa IGAD ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada caalamiga ah ee la xiriira xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.



















