Wararka24: 5-02-2026 Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu ansixiyay dhameystirka Dastuurka dalka, kaas oo meesha ka saaraya marxaladdii Dastuurka Ku-meelgaarka ahaa ee muddo dheer lagu shaqeynayay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay horseedi karto xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale iyo nidaam dowladnimo oo dhameystiran.
“Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan hay’adaha dowladda dadaalka iyo go’aanka geesinimada leh ee lagu xaqiijiyay guushan,” ayaa lagu yiri bayaanka Hirshabelle.
Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegay in ansixinta dastuurka ay ka tarjumeyso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo xoojinta midnimada qaranka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay ansixinta dhameystirka dastuurka mid taariikhi ah oo soo afjareysa marxaladdii ku-meelgaarka ahayd ee dalka uu ku jiray muddo ka badan 14 sano.
Si kastaba, ansixinta dastuurka ayaa dhalisay falcelin kala duwan, iyadoo xubno ka tirsan mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka horyimaadeen geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka, iyagoo ku dooday in habraacyada sharciga ah aan si buuxda loo raacin.

















