Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga xuquuqul insaanka oo walaac ka muujiyay xaalada Sacdiya Macallin Cali

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay xarigga Sacdiya Macallin Cali oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah maxkamada loo horgeyn.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 12:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Guddiga xuquuqul insaanka oo walaac ka muujiyay xaalada Sacdiya Macallin Cali
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay xarigga Sacdiya Macallin Cali oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah maxkamada loo horgeyn.

War saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 29-kii Abriil ay booqasho ku tageen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay ula socdaan xaaladda xabsiga iyo duruufaha ay ku sugan tahay Sacdiya. Guddiga ayaa sheegay inay la kulmeen maamulka xabsiga, saraakiisha ciidamada asluubta, Sacdiya lafteeda iyo qareenkeeda.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka 6-dii May, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in aan weli la muddeyn dhageysiga dacwadeeda, taas oo ay ku tilmaameen arrin saameyn karta xaqa garsoor caddaaladeed.

Sacdiya ayaa guddiga u sheegtay inay xabsiga kala kulantay dhibaatooyin ay kamid yihiin cabsi gelin, cunto yari, ciriiri iyo nadaafad xumo. Waxay sidoo kale sheegtay in xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

Guddiga ayaa xusay inuusan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan cabashooyinkaasi, balse uu ku baaqay baaritaan hufan oo lagu sameeyo xaaladda ay sheegtay maxbuusadda.

Guddoomiyaha guddiga Maryam Qasim ayaa sheegtay in qofka xiran uu weli leeyahay xuquuqdiisa aasaasiga ah. Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in maxaabiista loo fidiyo daryeel caafimaad, ilaalin sharci iyo in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda inay dedejiyaan hanaanka garsoorka, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo xuquuqda dadka xiran, gaar ahaan kuwa aan wali maxkamada la horgeyn.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

17 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.