• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddiga xuquuqul insaanka oo walaac ka muujiyay xaalada Sacdiya Macallin Cali

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Guddiga xuquuqul insaanka oo walaac ka muujiyay xaalada Sacdiya Macallin Cali
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay xarigga Sacdiya Macallin Cali oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah maxkamada loo horgeyn.

War saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 29-kii Abriil ay booqasho ku tageen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si ay ula socdaan xaaladda xabsiga iyo duruufaha ay ku sugan tahay Sacdiya. Guddiga ayaa sheegay inay la kulmeen maamulka xabsiga, saraakiisha ciidamada asluubta, Sacdiya lafteeda iyo qareenkeeda.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka 6-dii May, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in aan weli la muddeyn dhageysiga dacwadeeda, taas oo ay ku tilmaameen arrin saameyn karta xaqa garsoor caddaaladeed.

Sacdiya ayaa guddiga u sheegtay inay xabsiga kala kulantay dhibaatooyin ay kamid yihiin cabsi gelin, cunto yari, ciriiri iyo nadaafad xumo. Waxay sidoo kale sheegtay in xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

Guddiga ayaa xusay inuusan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan cabashooyinkaasi, balse uu ku baaqay baaritaan hufan oo lagu sameeyo xaaladda ay sheegtay maxbuusadda.

Guddoomiyaha guddiga Maryam Qasim ayaa sheegtay in qofka xiran uu weli leeyahay xuquuqdiisa aasaasiga ah. Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in maxaabiista loo fidiyo daryeel caafimaad, ilaalin sharci iyo in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda inay dedejiyaan hanaanka garsoorka, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo xuquuqda dadka xiran, gaar ahaan kuwa aan wali maxkamada la horgeyn.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.