Wararka24:Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in la joojiyo lacag dhan $100 oo si joogto ah looga jari jiray xildhibaannada, taas oo loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka aaska xildhibaanka geeriyooda.
Go’aanka ayaa yimid kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada ay su’aalo ka keeneen lacagta laga jaro mushaharkooda iyo qaabka loo maareeyo. Xildhibaannada ayaa dalbaday in loo caddeeyo halka ay lacagtu ku baxdo iyo cidda mas’uulka ka ah maamulkeeda.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa su’aalo dhowr ah kala kulmay xildhibaannada, iyadoo dood laga yeeshay nidaamka lacagta loo ururiyo iyo sida loo isticmaalo. Ugu dambeyn, guddoonku wuxuu ku dhawaaqay in la joojiyay lacagtaasi oo muddo dheer si joogto ah looga jari jiray xildhibaannada.
Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaannadu xaq u leeyihiin inay guddoonka wax ka weydiiyaan sida loo maareeyo lacagta laga jaro mushaharkooda. Wuxuu sheegay in lacagta laga qaado xildhibaannada marka la isku daro ay gaareyso $75,500.
Dhabancad ayaa sheegay in su’aalaha xildhibaannadu ay ka keeneen lacagta ay ku saleysnaayeen isla xisaabtan iyo baahida loo qabo in la helo xog cad oo ku saabsan dhaqaalaha laga jaro mushaharkooda. Wuxuu xusay in ujeeddadu aysan ahayn in lacagta la joojiyo, balse ay ahayd in la fahmo halka ay ku baxdo iyo sida loo maareeyo.
Go’aanka guddoonka ayaa dood ka dhex dhaliyay xildhibaannada, iyadoo qaar ay taageereen joojinta lacagta, halka kuwo kale ay sheegeen in su’aalihii la weydiiyay guddoonka aysan ku wajahneyn in gebi ahaanba la joojiyo nidaamka.
Lacagta ayaa markii hore loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka aaska xildhibaanka geeriyooda, iyadoo xildhibaannada si joogto ah looga jari jiray mushaharkooda. Go’aanka cusub ayaa soo afjaraya nidaamkaas, kadib markii ay xildhibaannadu dalbadeen in si cad loo qeexo habka loo maareeyo lacagta iyo dhaqaalaha laga ururiyo







