Wararka24: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe ka bilowday, iyagoo dhaqdhaqaaq xoog leh ku wajahan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka, oo la hawlgalaya Macawiisleyda, ayaa maalintii labaad waxay hawlgal ka wadaan deegaanada qaar ee ku teedsan xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Ciidan ka soo dhaqaaqay aagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa isku fidinaya xududda labada gobol.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo shalay hawlgal sifeyn ah ka sameeyay deegaanka Hilowle Gaab ay ku sii jeedeen deegaanka Cali Heele oo hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, iyadoo markaasi la jarayo gurmadkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka helayeen dhinaca Degmada Galhareeri.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaq ka wadaan aagga deegaanka Goobo ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Ciidamadu waxay xoojinayaan ammaanka xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Qorshaha hawlgala Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo mid ay ciidamadu kaga hortagayaan gurmadka ay Shabaabku ka heli karaan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Galgaduud ka tirsan.

Ciidamada ayaana isha ku haya dhaqdhaqaaqyada deegaanka Ceelgorof, oo ah deegaan ay Shabaabku maamulaan, kuna xira saldhigyadooda ay ku leeyihiin Dac iyo Wabxo.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa toddobaadkii saddexaad waxay hawlgal sifeyn ah ka wadaan bariga Gobolka Hiiraan, si Shabaabka looga saaro deegaanada dhaca bariga Webiga Shabelle.
Shabaabka ayaa waxay u muuqdaan kuwo ku mintidaya gacan ku haynta deegaanka Jicibow, oo ahmiyad weyn u leh hawlgalka ka soconaya webiga jiinkiisa.
Saraakiisha Ciidamada ayaa horaan sheegay in hawlgalka Gobolada Dhexe uu bilow u yahay guluf weyn ee la doonayo in lagu xoreeyo daanta galbeed webiga ee galbeedka gobolkaasi, halkaas oo muddo dheer ay Shabaabku maamulayeen.
Warbaahinta ayaa fahamsan in hawlgalka ay maalmaha ina soo aaddan ku biiri doonaan ciidamo lagu abaabulay galbeedka Magaalada Beledweyne, una badan beelaha dega galbeedka gobolkaasi.
Sidoo kale hawlgalka ayaa waxaa lagu wadaa in Sabtida illaa Axadda ay ku soo biiraan ciidan cusub, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Arbacadii tababar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa la filayaa in ay kaalmeeyaan ciidamada kale ee maalmihii ugu dambeysay ku sii siqayay deegaanka Jicibow, balse ay ku adkaatay in ay si dhakhsi ah ula wareegaan deegaankaasi, sababtu tahay Shabaab oo si is daba joog ah halkaasi gurmad ugu dirayay.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadkan bilaabay hawlgalka ay ciidamada isugu ballaarinayaan xuduudaha gobolkaasi, inkastoo Shabaabka Jicibow ay gurmadka xooggiisa ka helayeen deegaanada galbeedka webiga.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada hawlgalka ka bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe loogu talagalay in ay isku fidiyaan dhulka hawdka ah ee dhaca xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ciidamo kale oo lagu diyaariyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la filayaa in lagu dhaqaajiyo deegaanada Gamboole iyo Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale) ee galbeedka gobolkaasi. Shabaabka Hirshabelle ayaa ku xoogan galbeedka labada gobol ee Hirshabelle.
Dhanka kale waxaa geba-gabo ku dhow inay hawlgalaan ciidamo lagu abaabulay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, oo ay tahay in ay qabtaan deegaanada bariga gobolkaasi.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda abaabulaya saraakiisha la doonayo in ay hoggaamiyaan guluf ballaaran oo ku wajahan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Ceelbuur oo kale waxaa la sheegay in qorshuhu uu yahay in ciidamadu ay laba jiho ka weeraraan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka qalab qaadan doonaan xeryahooda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Ciidamada kale ee ku sugan Ceeldheer ayaa iyana loo jiheynaya dhinaca Galhareeri.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ayaa iyana duleedyada Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ka bilaabay hawlgal ka dhan ah Al Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hawlgalka deegaanada Galmudug ay ka qayb qaadan doonaan Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee sanadihii la soo dhaafay ku uruursanaa deegaanka Bohol ee waqooyiga Dhuusamareeb.
Xerta Ahlu Sunna ee ku sugan Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa xitaa qayb ka noqon doona hawlgalka la isugu furayo waddooyinka deegaanada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo 30-kii bishii January Xarunta Taliska ku qaabilay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa ka codsaday in ay ka taageerayaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir uu aqbalay soo jeedintaasi, iyagoo markaasi ku bedelanaya in dib loo soo nooleeyo doorkoodii siyaasadeed ee Galmudug.
Tan iyo markii General Odawaa Yuusuf Raage bishii November dib loogu soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaad arkaysaa in Taliska Militariga oo dib boorka uga jafayo la dagaalankii Al Shabaab.
Jananka da’da yar ee maamula Militariga Somaliya ayaa mar kale xaalad ciriiri ah gelinaya Shabaabka bartamaha dalka, si la mid ah sanadkii 2023, markaas oo laga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Galmudug iyo Hirshabelle.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin


















