Wararka24: 26-01-2026 Yasmin Abdi waa gabadh Soomaaliyeed oo waalidkeed ay ku qaxeen Mareykanka ku dhowaad 30 sano ka hor, xilli ay ka cararayeen burburkii dowlada Soomaaliya. Inkasta oo iyadu aysan toos u soo marin nolol qaxooti, haddana sheekooyinka iyo dhibtii ay waalidkeed la kulmeen waxay ku reebeen raad qoto dheer oo qaabeeyay fahamkeeda nolosha iyo doorka nidaamyadu ku leeyihiin badbaadinta ama waxyeellaynta dadka nugul.
Xusuustaas hore ayaa Yasmin ku dhalisay faham ah in nidaam kasta ha ahaato dowlad, bulsho ama tignoolajiyad uu yeelan karo awood wax dhisa ama wax burburiya. Fahamkaas ayaa si tartiib ah ugu horseeday jid ay maanta kaga mid tahay khubarada ku takhasustay amniga internetka (Cybersecurity), iyadoo si gaar ah diiradda u saarta ilaalinta ganacsiyada yaryar, shirkadaha bilowga ah iyo bulshooyinka aan haysan difaac dijitaal oo ku filan.
Safarka Yasmin ee tignoolajiyadda ma uusan ka bilaaban jaamacad ama shahaadooyin sare, balse wuxuu ka soo unkamay xiise carruurnimo. Waxay aad u danayn jirtay raadiyaha, taleefannada iyo qalabka elektaroonigga ah, iyadoo mar walba isweydiin jirtay sida cod meel fog laga soo diray uu uga soo baxo qalab yar, ama sida farriimo ay hawo aan la arki karin u kala gudbiso dad ku kala sugan meelo kala fog.
Xiisahaas ayaa u jiheeyay dhanka waxbarashada. Intii ay ku jirtay dugsiga sare, Yasmin waxay qaadatay casharro kombiyuutar oo ay ku baratay sida tignoolajiyaddu u shaqeyso. Markii ay jaamacadda gashay, waxay si rasmi ah u dooratay cilmiga kombiyuutarka, iyadoo baratay algorithms, horumarinta software-ka iyo nidaamyada dhismaha teknoolajiyadda.
Markii ay suuqa shaqada gashay, Yasmin waxay la kulantay caqabad cusub. Waxay ogaatay in haweenka, gaar ahaan haweenka Madowga ah, Muslimiinta ah, iyo Soomaalida, ay aad ugu yar yihiin hoggaanka tignoolajiyadda iyo amniga internetka. Marar badan waxay ahayd haweeneyda keliya iyo qofka keliya ee madow ah ee fadhiya miisaska go’aamada.
Halkii ay caqabaddaasi niyad jab ka noqon lahayd, waxay u noqotay dhiirrigelin. Yasmin waxay go’aansatay inay noqoto tusaalaha ay iyadu jeclaan lahayd inay aragto, si gabdhaha kale ee Soomaaliyeed ay u fahmaan in albaabkan uu u furan yahay.
Shaqadeedii ugu horreysay ee weyn waxay ka bilaabatay shirkadda Snapchat, halkaas oo ay la shaqeysay injineerro iyo naqshadeeyayaal heer caalami ah. Inkasta oo ay ka mid ahayd koox xirfadlayaal ah, haddana waxay sheegtay in fikradaha ay soo jeediso mararka qaar aan si buuxda loo dhageysan, taas oo ay u aragtay caqabad ku dhisan jinsiyad iyo asal.
Yasmin, amniga internetku ma aha kaliya xirfad, balse waa arrin si toos ah u taabanaysa nolosha bulshada Soomaalida. Bulsho soo martay dagaal, barakac iyo kala firdhid qoysas, tignoolajiyaddu waxay noqotay xarig isku xira dad kala maqan. Isla mar ahaantaana, waxay noqotay meel ay ka dhacaan warar been abuur ah, aflagaaddo iyo weerarro sumcad dil ah, gaar ahaan dumarka iyo gabdhaha.
Soo bixitaanka aaladaha casriga ah ee AI-ga ayaa sii kordhiyay khatarahaas, iyadoo cilmi-baarisyo caalami ah ay muujinayaan in dumarka iyo gabdhaha ay si gaar ah ugu nugul yihiin tacaddiyada dijitaalka ah.
Arrintaas awgeed, Yasmin waxay aasaastay hindise amni dijitaal ah oo la yiraahdo noHack, kaas oo ujeeddadiisu tahay in ganacsiyada yaryar iyo hal-abuurayaasha ay helaan xalal amni oo fudud, la awoodi karo, isla markaana ka ilaalinaya weerarro internetka ah. Iyadoo shirkadaha waaweyn ay awoodaan qalab qaali ah, Yasmin waxay diiradda saartay kuwa aan awooddaas haysan balse halista ugu jira weerarrada.
Dhanka kale, Yasmin waxay waqti badan gelisaa dhiirrigelinta dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed. Waxay qabataa tababaro, la-talin iyo abaabul bulsho, iyadoo la wadaagta waayo-aragnimadeeda si ay u tusiso in tignoolajiyadda iyo cybersecurity-gu ay yihiin fursado ay iyaguna ku horumari karaan mustaqbalkooda.
“Meel kasta oo ay maskaxdaadu gaarto, xitaa meelaha aan markii hore adiga laguugu talagelin, waa meel aad xaq u leedahay inaad gasho,” ayay Yasmin tiri, iyadoo fariin u direysa gabdhaha Soomaaliyeed.
Farriinteeda ugu weyn waa mid cad: xiisaha carruurnimo, haddii la daryeelo oo la hormariyo, wuxuu isu beddeli karaa xirfad wax ka beddesha nolosha qofka iyo tan bulshadiisa.


















