• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Itoobiyaanka Ku Nool Maraykanka Oo Dacwad Ka Gudbiyay Maamulka Trump.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
trump
Share

Wararka24: 26-01-2026 Itoobiyaan ku nool dalka Mareykanka iyo urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dacwad sharci ah ka gudbiyay maxkamad federaal oo ku taalla Boston, kaddib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu joojiyay barnaamij ilaalin muda-gaaban ah oo la siiyay kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah, kaas oo loogu magacdaray Temporary Protected Status (TPS).

Dacwadda ayaa waxaa maxkamadda U gudbiyay saddex muwaadin Itoobiyaan ah iyo ururka aan faa’iido doonka ahayn ee African Communities Together, kuwaas oo ku sheegaya in go’aanka lagu joojiyay ilaalinta ay ku jiraan dhowr kun oo qof uu sharci daro yahay, islamarkaana halis gelinayo in dadkaasi loo celiyo dalkooda iyada oo xaaladaha ammaan ee Itoobiya ay wali halis yihiin.

Ururka iyo dadka dacwadda gudbiyay ayaa ku dooday in Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (Department of Homeland Security) ay sharci darro ku joojisay TPS, iyadoo aysan u hoggaansamin shuruudaha lagama maarmaanka u ah qiimeynta xaaladda ammaan ee Itoobiya, islamarkaana ay go’aankan ku saleysay siyaasad iyo “isir nacayb” taas oo ka dhan ah muhaajiriinta aan Cadadka Mareykanka ahayn.

TPS waa barnaamij federaal ah oo dadka ka soo qaxay wadamada ay ka jiraan iskahorimaad xoogan, dhibaatooyin bani’aadannimo ama masiibooyin dabiici ah ka ilaaliya in dalka laga masaafuriyo, islamarkaana u oggolaada inay sharci ahaan ku shaqeystaan kuna noolaadaan muddo cayiman.

Sannadkii 2022-kii, maamulka Madaxweyne hore Joe Biden ayaa geliyay Itoobiya TPS iyadoo lagu xusay xaaladaha amni ee halista ah ee dalkaas, laakiin maamulka Trump ayaa go’aansaday in xaaladdu hadda fiicantahay oo aan loo baahnayn in barnaamijkan sii jiro tallaabo taas ay dacwad oogayaasha ku tilmaameen mid aan sharci ahaan sax ahayn.

Dacwadda waxay sheegaysaa in joojinta TPS ay dadka Itoobiyaanka ah ka hor imanayso sharciga federaalka, islamarkaana ay khatar gelinayso noloshooda iyo arimo aasaasi ah sida helitaanka shaqo, adeegyada bulshada iyo badbaadada qoyskooda.

Kiiskan wuxuu qayb ka yahay dhowr dacwadood oo la xiriira go’aannada maamulka Trump ee la doonayo in lagu dhimo ama lagu joojiyo ilaalinta sharci ee muhaajiriinta ka timid wadamo ay ka jiraan colaado iyo dhibaatooyin waaweyn.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.