Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Itoobiyaanka Ku Nool Maraykanka Oo Dacwad Ka Gudbiyay Maamulka Trump.

26-01-2026 Itoobiyaan ku nool dalka Mareykanka iyo urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dacwad sharci ah ka gudbiyay maxkamad federaal oo ku taalla Boston, kaddib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu joojiyay barnaamij ilaalin muda-gaaban ah oo la…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 1:02 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
trump
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Itoobiyaan ku nool dalka Mareykanka iyo urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dacwad sharci ah ka gudbiyay maxkamad federaal oo ku taalla Boston, kaddib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu joojiyay barnaamij ilaalin muda-gaaban ah oo la siiyay kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah, kaas oo loogu magacdaray Temporary Protected Status (TPS).

Dacwadda ayaa waxaa maxkamadda U gudbiyay saddex muwaadin Itoobiyaan ah iyo ururka aan faa’iido doonka ahayn ee African Communities Together, kuwaas oo ku sheegaya in go’aanka lagu joojiyay ilaalinta ay ku jiraan dhowr kun oo qof uu sharci daro yahay, islamarkaana halis gelinayo in dadkaasi loo celiyo dalkooda iyada oo xaaladaha ammaan ee Itoobiya ay wali halis yihiin.

Ururka iyo dadka dacwadda gudbiyay ayaa ku dooday in Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (Department of Homeland Security) ay sharci darro ku joojisay TPS, iyadoo aysan u hoggaansamin shuruudaha lagama maarmaanka u ah qiimeynta xaaladda ammaan ee Itoobiya, islamarkaana ay go’aankan ku saleysay siyaasad iyo “isir nacayb” taas oo ka dhan ah muhaajiriinta aan Cadadka Mareykanka ahayn.

TPS waa barnaamij federaal ah oo dadka ka soo qaxay wadamada ay ka jiraan iskahorimaad xoogan, dhibaatooyin bani’aadannimo ama masiibooyin dabiici ah ka ilaaliya in dalka laga masaafuriyo, islamarkaana u oggolaada inay sharci ahaan ku shaqeystaan kuna noolaadaan muddo cayiman.

Sannadkii 2022-kii, maamulka Madaxweyne hore Joe Biden ayaa geliyay Itoobiya TPS iyadoo lagu xusay xaaladaha amni ee halista ah ee dalkaas, laakiin maamulka Trump ayaa go’aansaday in xaaladdu hadda fiicantahay oo aan loo baahnayn in barnaamijkan sii jiro tallaabo taas ay dacwad oogayaasha ku tilmaameen mid aan sharci ahaan sax ahayn.

Dacwadda waxay sheegaysaa in joojinta TPS ay dadka Itoobiyaanka ah ka hor imanayso sharciga federaalka, islamarkaana ay khatar gelinayso noloshooda iyo arimo aasaasi ah sida helitaanka shaqo, adeegyada bulshada iyo badbaadada qoyskooda.

Kiiskan wuxuu qayb ka yahay dhowr dacwadood oo la xiriira go’aannada maamulka Trump ee la doonayo in lagu dhimo ama lagu joojiyo ilaalinta sharci ee muhaajiriinta ka timid wadamo ay ka jiraan colaado iyo dhibaatooyin waaweyn.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.