Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Dowladda oo Xoog ku Qabsaday Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho

Booliska Dowladda Federaalka ayaa saakay xoog ku soo galay Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Weyne, ka dib markii muran dheer ka taagnaa cidda maamusha dhismaha.

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
February 28, 2025, 11:34 am EAT
Reading Time: 3 mins read
 Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho,

 Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho,

Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Booliska Dowladda Federaalka ayaa saakay xoog ku soo galay Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Weyne, ka dib markii muran dheer ka taagnaa cidda maamusha dhismaha.

 Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho,
 Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho,

Dhismahan, oo sanadahanba uu maamulayay Ururka Haweenka Qaranka, ayaa noqday meel muran wayn ka dib markii Dowladda Federaalka ay codsatay in lagu wareejiyo Wasaaradda Qoyska & Xaquuqul Insaanka. Haweenka oo dhismahaasi ku leh xafiisyo ay ka shaqeeyaan ayaa si weyn uga horyimaaday wareejinta.

Ciidanka Booliska ayaa gurigaasi ku qabqabtay qaar ka mid ah haweenkii ka hawlgalayay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xireen haweenka, kuwaas oo ay ku jirtay Gudoomiye Ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka, iyaga oo loo tuuray Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar Weyne.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gabale, ayaa si adag uga hadashay falkaan, isaga oo sheegay in ciidamo uu soo diray Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, ay xoog kula wareegeen xaruntii ay ku shaqeynayeen.

Waxaa xarunteenna soo weeraray ciidamo uu soo diray Raysal Wasaaraha oo boolis ah, iyagoo la wareegay xaruntii,” ayay tiri Batuulo.

Iyadoo sii hadlaysay, ayay tiri: “Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho waa dhismo taariikhi ah oo haweenka Soomaaliyeed gacmahooda iyo dhaqaalahooda ku dhisteen.

Dowladda ma aha mid ay hantideedu tahay. Waxay noqon doontaa caddaalad Ilaahay oo kaliya.”

Batuulo waxay sii xoojisay hadalkeeda: “Dowladda waxaa laga sugayay inay difaacdo dalka, laakiin maanta waxay noo soo weerartay Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, oo ah meel haweenka Soomaaliyeed ugu halgamay dalkooda. Tani waa taariikh madow oo ku dhacday gabdhaha Soomaaliyeed.”

Raysal Wasaaraha, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan ka hadlay muranka, ayaa haweenka ugu baaqay inay dhismahaasi ku wareejiyaan Wasaaradda Qoyska & Xaquuqul Insaanka.

Waxaan rajeynayaa in haweenka ay u ixtiraamaan qarankooda oo ay u banneeyaan wasaaradda,” ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Murankan oo ka dhashay gacan ku haynta Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhammaaday natiijo aan wanaagsaneyn, iyadoo haweenka Soomaaliyeed ay ka murugoodaan sida loo xukuntay hantidooda iyo halgankoodii taariikhi ah.

Wararka24


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.