Wararka24: 5-02-2026:Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga.
Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyay kulan heer sare ah oo labada hoggaamiye ku yeesheen Riyadh intii lagu jiray booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Turkigu ku tegay Sacuudiga.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida, horumarka iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka digay tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada qaranka.
Sida lagu sheegay bayaanka, Erdoğan iyo Maxamed Bin Salmaan ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu tilmaamay gooni-u goosad, iyagoo ku boorriyay in la dhowro midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen in la abuuro nidaamyo is-garab socda oo wiiqaya xasiloonida iyo dhismaha hay’adaha qaranka.
Dhanka kale, bayaanka ayaa xusay in labada hoggaamiye ay cambaareeyeen tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo khilaafsan sharciga caalamiga ah, kuwaas oo la xiriira arrimo gooni-u-goosad ah oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Mas’uuliyiinta Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sheegay in mowqifkoodu uu salka ku hayo ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Kulankan Riyadh ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah ee ku aaddan midnimada Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay in midnimada dhuleed ee dalka aan laga tanaasuli karin.






















