Wararka24: Xeerbeegti ku sugan maxkamad federaal ah oo ku taalla San Francisco ayaa go’aan ku gaartay in ganacsadaha Elon Musk uu marin habaabiyay maalgashadayaasha intii lagu jiray heshiiskii uu kula wareegayay shirkadda Twitter sanadkii 2022.
Go’aanka ayaa yimid kadib laba maalmood oo wada tashi ah, iyadoo dacwadda ay gudbiyeen koox maalgashadayaal ah oo sheegay in ay ku tiirsanaayeen hadallada Musk ee dadweynaha.
Xeerbeegtida ayaa sheegtay in qaar ka mid ah hadalladii Musk ee la xiriiray isticmaaleyaasha Twitter iyo suurtagalnimada inuu ka baxayo heshiiska ay si ula kac ah u saameeyeen suuqa.
Musk ayaa horay u sheegay inuusan marin habaabin maalgashadayaasha, isagoo ku dooday in dadku si khaldan u fasirteen qoraalladiisa uu ku daabacay baraha bulshada.
Go’aanka maxkamadda ayaa tilmaamay in hadalladiisa ay saameyn ku yeesheen qiimaha saamiyada Twitter, taasoo hoos u dhac ku keentay qiimaha intii u dhaxeysay bilihii May iyo Oktoobar ee 2022.
Arrintan ayaa la filayaa inay horseedi karto magdhow lacageed oo la siiyo maalgashadayaasha, iyadoo khubaradu ay sheegeen in xukunkan uu fariin cad u dirayo dadka saameynta ku leh suuqyada.
Musk ayaa horey uga badbaaday dacwado kale oo la xiriiray qoraalladiisa, balse kiiskan ayaa muujinaya culayska sii kordhaya ee dhinaca sharci ee uu wajahayo.


















