Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhanka cirka ah oo xalay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dambeysay kadib markii la ogaaday dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayeen xubno ka tirsan kooxda oo la sheegay inay isku abaabulayeen aag ku dhow magaalada Baydhaba.
Ilo amni ayaa sheegay in maleeshiyaadka la bartilmaameedsaday lagu tuhunsanaa inay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah fariisimaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan hareeraha magaalada.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in duqeyntu ay sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray xubnihii la beegsaday. Hase yeeshee, lama shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay howlgalka.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama saaxiibada caalamiga ah ee ku saabsan cidda fulisay duqeynta iyo faah-faahinta natiijada howlgalka.
Baydhaba iyo deegaannada ku dhow ayaa muddooyinkii dambe ahaa goobo ay ka socdeen howlgallo amni iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyadoo laamaha ammaanku ay kordhiyeen dadaallada lagu sugayo amniga gobolka.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Baydhaba ay shalay ka dhacday doorashadii hoggaanka Koonfur Galbeed, taas oo lagu doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka.
Xaaladda amni ee gobolka Baay ayaa weli ah mid si dhow loola socdo, waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay.


















