• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, October 13, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii qaaday tallaabo milatari oo ay ku wajahayso culeyska ay Al-Shabaab ku soo saartay deegaanno u dhow magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la geeyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si ay uga hortagaan xubnaha Al-Shabaab ee soo galay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu bara koontarool cusub ay ka sameysteen waddada dhinaceeda, iyaga oo sidoo kale baaraya gaadiidka maraya.

Arrintan ayaa laga gol-leeyahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar yimaada deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Dhowaan ayaa sidoo kale deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole, iyo Xaawo Cabdi lagu arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo waddada taagan gaadiidka hubinaya.

Al-Shabaabka soo galay Ceelasha Biyaha aya waxa ay demiyeen dhamaan layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka. Waxay dadka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin iska caabin ay xilligaas ciidamada dowladda kala kulmeen.

Xaaladdan soo korortay ayaa cabsi wayn ku keentay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal-heyn xooggan oo qabsatay baraha bulshada. Dadku waxay is waydiinayaan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay soo gaaraan halkaasi.

Horay, sidaan oo kale, waxay Al-Shabaab u soo gaareen degmada Balcad, oo qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Culeysyo kale oo Shabeelaha Hoose iyo Dhexe

Dhinaca kale, gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa laga dareemay culeys kale oo ay kooxda soo saartay, kadib markii ay la wareegeen deegaanno horay looga saaray. Waxaase haatan soconayo howlgallo culus oo ay wadaan ciidamada dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dagaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna ku sugan yahay furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Cadale. Isaga oo halkaas ka hoggaaminayo howlgallo milatari, ayay haatan iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Soomaaliya oo u baahan badbaado degdeg ah

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag. Halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, waxaa meelaha qaarkood ka jira abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: caasimadda MuqdishoDowladda Federaalka Soomaaliyawararka mantawararka somalia
Previous Post

Arimaha Bulshada: Baro Sirta Dareenka Gabadha Xilliga Gogosha

Next Post

RW Ku Xigeenka oo Aadan cade ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Muqdisho + Sawiro

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
ku xigeenka

RW Ku Xigeenka oo Aadan cade ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Muqdisho + Sawiro

Guddoomiye Amiir,

Guddoomiye Amiir, Haddii 5 qof oo walaalo ah aan u arko inay waxqabad leeyihiin, waxaan u kala dhiibayaa 5 degmo, + Fahfahinta qorshaha cusub

Degmada Alkowsar

Duqeyn ka Dhacday Degmada Alkowsar: Horgooge sare Al-Shabaab ah lagu dilay + faahfahinta qasaaraha

Recommended

Live-wararka24 Puntland

LIVE: War Deg Deh Ah: Puntland oo taageerey Heshiiska ay lagaleen Somaliland?

3 days ago
Maqaarka xolaha soomaliya

Ganacsatada Maqaarka xolaha soomaliya oo galay khasaare ka badan $1 milyan oo dollar?

2 months ago
Qatar iyo Masar

Qatar iyo Masar oo wada dadaalo lagu Donayo badbaadinayo heshiiska xabad joojinta Gaza

8 months ago
Puntland oo gacanta ku dhigtay

Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Maanta Lacag ay Leedahay Daacish,180 kun oo doollar..

8 months ago
Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed Ayaa Laba Nin Si Degdeg ah Dil ugu Fulisay Ayago Lagu Helay Dilka Haweeney

8 months ago
Waqooyi Bari: oo bilowday Tababar lagu xoojinayo suxufiyiinta?

Waqooyi Bari: oo bilowday Tababar lagu xoojinayo suxufiyiinta?

1 month ago
Puntland

Puntland oo Daahfurtay Shirweyne Wadatashi ah oo ay Qurba Joogtu Hoggaan u Tahay

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.