Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adaha Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, lagu dilay Macalin Jinaaw Ibraahim, oo dowladda ku tilmaantay horjooge sare oo ka tirsanaa Golaha Shuurada Al-Shabaab.
Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa lagu sheegay in hawlgalku dhacay 5-tii Luulyo 2026, kadib baaritaan iyo daba-gal sirdoon oo socday muddo 14 bilood ah.
Sida uu wasiirku sheegay, duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Sabiyo oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellada Hoose. Dowladda ayaa sheegtay in Macalin Jinaaw lagu bartilmaameedsaday isagoo ku sugnaa cariish ku dhex taalla beer, halkaas oo ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Macalin Jinaaw uu ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa xubinta sagaalaad ee Golaha Shuurada kooxda. Dowladda ayaa ku eedeysay inuu door muhiim ah ku lahaa abaabulka dagaallada, ururinta lacago baad ah, iyo qorsheynta weerarro laga fuliyay gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in horjoogaha uu mas’uul ka ahaa falal ay ka mid yihiin qasab lagu askareeyo carruur, hub ka ururin beelaha iyo cabburinta waxgaradka deegaannada. Wasiir Fiqi wuxuu xusay in geeridiisa la xaqiijiyay kadib markii la helay xog sirdoon oo caddeysay inuu ku dhintay duqeynta.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka sare ee Al-Shabaab ay sii socon doonaan, isagoo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga, isla markaana uga mahadceliyay saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay siiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.


















