Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Fahiima Quuje oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo hore uga tirsaneyd Baarlamaanka Waqooyi Bari, ayaa maanta gaartay magaalada Hargeysa, maalmo kadib markii ay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii baarlamaanka maamulkaas, isla markaana ay sheegtay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 20, 2026, 6:11 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Fahiima Quuje oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa
Share

Wararka24: Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo hore uga tirsaneyd Baarlamaanka Waqooyi Bari, ayaa maanta gaartay magaalada Hargeysa, maalmo kadib markii ay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii baarlamaanka maamulkaas, isla markaana ay sheegtay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn.

Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, iyo dadweyne halkaas isugu yimid.

Markii ay gaartay Hargeysa, Fahiima Quuje ayaa warbaahinta u sheegtay inay ku faraxsan tahay dib ugu laabashada magaalada kadib muddo lix sano ah. Waxay sheegtay inay hore uga maqneyd cabashooyin iyo tabashooyin la xiriiray xaaladda deegaannada ay ka soo jeeddo, isla markaana ay hadda go’aansatay inay dib ugu soo laabato Somaliland.

Fahiima ayaa sidoo kale ku celisay mowqifkeeda siyaasadeed ee ay hore u shaacisay, iyadoo sheegtay inay dib ugu biirtay Somaliland. Hadalladeeda ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha iyo dibadda deegaannada ay arrintu khuseyso.

Dhanka kale, maamulka Waqooyi Bari ayaa hore uga horyimid go’aanka ay qaadatay Fahiima Quuje. Baarlamaanka maamulkaas ayaa ka qaaday xasaanaddii xildhibaannimo, halka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay inay wajahdo baaritaan iyo eedo la xiriira qiyaano qaran.

Go’aanka Fahiima Quuje ayaa sii kordhiyay doodaha siyaasadeed ee ku saabsan mustaqbalka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo dhinacyada kala duwan ay weli ka bixinayaan aragtiyo is khilaafsan oo ku saabsan tallaabada ay qaaday.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.