• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Fahiima Quuje oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Fahiima Quuje oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa
Share

Wararka24: Fahiima Yuusuf Cabdullaahi (Quuje), oo hore uga tirsaneyd Baarlamaanka Waqooyi Bari, ayaa maanta gaartay magaalada Hargeysa, maalmo kadib markii ay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii baarlamaanka maamulkaas, isla markaana ay sheegtay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn.

Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, iyo dadweyne halkaas isugu yimid.

Markii ay gaartay Hargeysa, Fahiima Quuje ayaa warbaahinta u sheegtay inay ku faraxsan tahay dib ugu laabashada magaalada kadib muddo lix sano ah. Waxay sheegtay inay hore uga maqneyd cabashooyin iyo tabashooyin la xiriiray xaaladda deegaannada ay ka soo jeeddo, isla markaana ay hadda go’aansatay inay dib ugu soo laabato Somaliland.

Fahiima ayaa sidoo kale ku celisay mowqifkeeda siyaasadeed ee ay hore u shaacisay, iyadoo sheegtay inay dib ugu biirtay Somaliland. Hadalladeeda ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha iyo dibadda deegaannada ay arrintu khuseyso.

Dhanka kale, maamulka Waqooyi Bari ayaa hore uga horyimid go’aanka ay qaadatay Fahiima Quuje. Baarlamaanka maamulkaas ayaa ka qaaday xasaanaddii xildhibaannimo, halka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay inay wajahdo baaritaan iyo eedo la xiriira qiyaano qaran.

Go’aanka Fahiima Quuje ayaa sii kordhiyay doodaha siyaasadeed ee ku saabsan mustaqbalka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo dhinacyada kala duwan ay weli ka bixinayaan aragtiyo is khilaafsan oo ku saabsan tallaabada ay qaaday.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.