• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo ogolaatay bannaanbaxa mucaaradka kuna xirtay shuruud adag

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda oo ogolaatay bannaanbaxa mucaaradka kuna xirtay shuruud adag
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan diidaneyn bannaanbax ay mucaaradku ka dhigaan magaalada Muqdisho, balse ay shardi uga dhigtay in uu noqdo mid nabadeed oo aan wax hub ah lagu soo qaadan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay taageersan tahay xorriyad muujinta, hase yeeshee aysan aqbali doonin in bannaanbax lagu dhex qaato hub ama lagu cabsi geliyo shacabka.

Fiqi ayaa xusay in bannaanbax nabadeed oo dadku ku cabbirayaan dareenkooda uu yahay xuquuq dastuuri ah, balse dowladda ay si dhow ula socon doonto amniga iyo habsami u socodka isu soo bax kasta oo la qabanayo. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku xadgudubta sharciga.

Dhanka kale, wasiirka ayaa si adag u dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay xaaladda siyaasadeed uga faa’iideysanayaan dano gaar ah iyo taageero dibadeed. Hadalladiisa ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii xoogeysaneyso.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bannaanbax weyn oo la qorsheeyay 10-ka bishan, iyagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay kasoo qeyb-galaan si ay uga hor imadhaan arrimo ay ku tilmaameen dhul-boob iyo cadaadis siyaasadeed.

Bannaanbaxan ayaa ku beegan isla maalinta uu Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ku casuumay hoggaanka mucaaradka kulan wadatashi ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed, doorashooyinka iyo muranka ka taagan dastuurka KMG ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.