Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

Dukumiinti maxkamadeed ayaa muujinaya in xeer ilaalinta federaalka ay baarayaan Xildhibaan Ilhaan Cumar tan iyo 1980.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 25, 2026, 1:04 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dukumiinti maxkamadeed oo la shaaciyay Isniintii, 23-ka Noofembar, ayaa muujinaya in xeer ilaalinta federalka Mareykanka ay baarayaan xildhibaan Ilhan Cumar muddo u dhaxaysa sannadkii 1980 ilaa hadda.

Xeer ilaalinta ayaa dukumiintiyada ku sheegay inay aaminsan yihiin in Ilhaan ay gashay dambiyo “soo jiitamayay tobanaan sano.”

Dambiyada gaarka ah ee looga shakisan yahay weli si qarsoodi ah ayaa loo hayaa.

Dukumiintiyada ayaa la xiriira baaritaan ay hay’adaha federaalka 12-kii Oktoobar ku sameeyeen gurigii Ilhaan Cumar.

Garsooraha Sare ee Maxkamadda Federaalka, James Boasberg, ayaa amar ku bixiyay in la shaaciyo 169 bog oo la xiriira baaritaanka.

Hase yeeshee dukumiinti 67 bog ah oo ay ku qoran yihiin caddeymaha lagu helay amarka baaritaanka ayaa weli xiran.

Boasberg ayaa xeer ilaalinta siiyay ilaa 30-ka Noofembar inay sharxaan sababta ay u rabaan in qeybo kale la qariyo.

Codsiga shaacinta dukumiintiyada waxaa soo gudbiyay 14 hay’adood oo warbaahin ah iyo kooxda Judicial Watch.

Ilhaan Cumar ayaa beenisay inay wax khalad ah gashay. Weli wax dacwad ah laguma soo oogin.

Waxay sheegtay in baritanku yahay mid siyasadeed, waxayna baaritaanka gurigeeda ku tilmaantay ku takri falid awodeed.

Waxay sheegtay in saraakiisha federaalka ay gurigeeda ka qaadeen 17 shay, oo ay ku jiraan telefoonno, kombiyuutarro, baasaboor iyo buug carruurta ah oo ku qoran af Somaali.

Qareennada Ilhaan ayaa ku eedeeyay saraakiisha inay ku xadgudbeen amarka garsooraha, maadaama aan iyada la siin nuqul ka mid ah amarka baaritaanka ka hor intaan la bilaabin.

Waaxda Cadaaladda ayaa dhankeeda sheegtay in qarennadeeda iyo saraakiisheeduba ay u hoggaansameen dhammaan amarrada maxkamadda iyo waajibaadka sharciga.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa bishii Oktoobar ku warramay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu diyaarinayo dacwad suurtogal ah oo lagu kala noqonayo dhalashada Ilhaan.

Sida uu sheegay wargeysku, baaritanku wuxuu eegayaa in Ilhaan ama aabbaheed ay khalad ka shegeen da’deeda si uu isagu u helo dhalashada.

In ka badan 12 qof, oo ay ku jiraan qaraabadeed, ayaa loo yeeray inay markhaati ka furaan guddi xeer ilaalin federaal ah oo ku sugan Minnesota.

Ilhaan ayaa marar badan beenisay eedeymahaas, kuwaas oo markii ugu horreysay soo baxay ololihii doorashada ee 2016.

Ilhaan Cumar waxay ku dhalatay Muqdisho, waxayna Mareykanka u timid qaxooti ahaan sannadkii 1995. Waxay dhalasho Mareykan heshay sannadkii 2000, waxaana loo doortay Koongaraska sannadkii 2018.

Baaritaanka gurigeeda ayaa dhacay in ka yar afar toddobaad ka hor doorashadii 3-da Noofembar, taas oo ay ku guuleysatay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

4 minutes ago
Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

14 minutes ago
Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

28 minutes ago
Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

20 hours ago
Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

1 day ago
sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

1 day ago
NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

1 day ago
Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.