Washington (Wararka24) – Ciidamo federaal ah oo ka tirsan Waaxda Baarista Amniga Gudaha Mareykanka (HSI) ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah baaritaan ku sameeyay guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar ee ku yaalla duleedka Washington, DC, iyadoo qeyb ka ah baaritaano hore usocday.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada ay haystaan amar baaritaan oo maxkamada usoo oggolaatay, balse ma aysan magacaabin Ilhaan Cumar, faahfaahina kama aysan bixin baaritaanka.
Sida lasheegay baaritaankan manta lagu sameeyey ilahan cumar ayaa la xiriiro eedeymo ku saabsan khiyaano socdaal oo la xiriirta waraaqo uu usoo gudbiyay aabahed oo dhintay xiligii ay yarayd. Ilhaan ayaa hore u beenisay eedeymahaas, mana jiraan dacwad lagu soo oogay ilaa hadda.
Ilhaan Cumar, oo ku dhalatay Soomaaliya, aya kuyimade Mareykanka iyadoo caruur qaxooti ah, kadibna noqotay muwaadin, ayaa matasha degmo ka tirsan gobolka Minnesota oo ay ku jirto magaalada Minneapolis.
Bishii Sebteembar, madaxa amniga xuduudaha ee Trump, Tom Homan, ayaa sheegay in Ilhaan lagu hayo baaritaan dembi, isagoon faahfaahin kale bixin. ilhan ayaa markas sheegtay in aan Amniga Gudaha la soo xiriirin, waxayna eedeymaha ku tilmaantay kuwo siyasadeed.
Ku-xigeenka Madaxweynaha, JD Vance, ayaa isna hore ugu eedeeyay khiyaano socdaal isagoon caddeyn soo bandhigin. Waraysi uu siiyay Benny Johnson, ayuu ku sheegay inuu isaga iyo Stephen Miller ka wada hadleen sidii loo baari lahaa.
Xafiiska Ilhaan ayaa bishii Maarso ku tilmaamay eedeymaha Vance kuwo been abuur ah oo sumcad-dil ah. Ilhaan weli si rasmi ah kama aysan jawaabin baaritaanka maanta.
Baaritaankan ayaa yimid wax ka yar saddex toddobaad ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee 3-da Nofeembar, oo Jamhuuriyiintu ay ku dagaallamayaan inay sii haystaan gacan ku haynta Koongareeska.
Ilhaan ayaa sheegtay in iyada iyo qoyskeeda loo soo diray hanjabaado, taas oo ay ku eedeysay hadalada Trump. Bishii Diseembar, Trump ayaa Ilhaan iyo muhaajiriinta somaalida ku tilmaamay “qashin,” halka bishii Febraayo uu sheegay in iyada iyo Xildhibaan Rashida Tlaib lagu celiyo “meeshii ay ka yimaadeen.”
Bishii hore, nin u dhashay Minnesota ayaa lagu xukumay 14 bilood oo xarig ah, kadib markii uu Ilhaan ku buufiyay khal intii lagu jiray kulan dadweyne oo dhacay bishii Janaayo.









