• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal ka dhacay Iskuul Buluusiyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaal ka dhacay Iskuul Buluusiyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac
Share

Wararka24: Xiisad culus ayaa maanta laga soo sheegay xaafadda Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar Jajab, kadib iska horimaad dhex-maray ciidamo ka tirsan dowladda iyo askar kale oo boolis ah oo la sheegay inay deggenaayeen deegaankaas.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamada dowladda oo wata gaadiid dagaal iyo cagaf-cagafyo ayaa saaka gudaha u galay xaafadda, iyaga oo bilaabay burburin la xiriirta dhismayaal halkaasi ku yaalla, taas oo dhalisay iska horimaad hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta la is-weydaarsaday ay sababtay dhimashada laba carruur ah iyo dhaawaca dad kale oo rayid ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in haweeney uur leh oo dhaawac culus soo gaartay ay markii dambe geeriyootay.

Qaar ka mid ah shacabka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda ay kusoo korortay cabsi iyo barakac, iyadoo hanti badan lagu daadiyay waddooyinka kadib burburinta la sameeyay.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la arkayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo saraakiil amni oo gaaray goobta si ay xaaladda u dejiyaan.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay maalmihii dambe wadday burburin iyo dib-u-habeyn dhulal ku yaalla qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, arrintaas oo mararka qaar dhalisay muran iyo iska horimaadyo.

DAAWO


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.