Wararka24: Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Djibouti, Salaad Cali Jeelle ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in lagu dili rabay gudaha Jabuuti xilligii dowladdii hore.
Fahad Yaasiin oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in markii lagu xannibay garoonka Jabuuti ay jireen qorshayaal lagu doonayay in lagu khaarijiyo, isaga oo arrintaas ku eedeeyay Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Roobe iyo saraakiil kale. Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshahaasi uu xiriir la lahaa kiiska Ikraan Tahliil.
Danjire Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyay Universal TV ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas, isaga oo sheegay inaysan suuragal ahayn in dowladda Jabuuti ay ku lug yeelato dil loo geysto qof Soomaali ah. Wuxuu tilmaamay in hadalka Fahad Yaasiin uu ka dhashay caro iyo dareen siyaasadeed.
“Suurtagal ma aha in dowladda Jabuuti ay disho qof Soomaali ah,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle, isaga oo bogaadiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Sidoo kale, danjiraha hore ayaa sheegay in wixii khilaaf ama arrimo jiray waqtigaas lagu xaliyay wada hadal iyo is afgarad, isaga oo xusay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay mar walba muujiyeen taageero iyo ixtiraam ay u hayaan Soomaaliya.
Hadaladan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed ee la xiriira dhacdooyinkii dhacay xilligii dowladdii hore, gaar ahaan arrimaha amniga iyo kiiska Ikraan Tahliil oo si weyn loogu muransan yahay gudaha siyaasadda Soomaaliya.
DAAWO


















