Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Salaad Cali Jeelle oo si adag u beeniyay eedeymihii Fahad Yaasiin

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Djibouti, Salaad Cali Jeelle ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in lagu dili rabay gudaha Jabuuti xilligii dowladdii hore.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 19, 2026, 11:42 am EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Salaad Cali Jeelle oo si adag u beeniyay eedeymihii Fahad Yaasiin
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Djibouti, Salaad Cali Jeelle ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in lagu dili rabay gudaha Jabuuti xilligii dowladdii hore.

Fahad Yaasiin oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in markii lagu xannibay garoonka Jabuuti ay jireen qorshayaal lagu doonayay in lagu khaarijiyo, isaga oo arrintaas ku eedeeyay Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Roobe iyo saraakiil kale. Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshahaasi uu xiriir la lahaa kiiska Ikraan Tahliil.

Danjire Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyay Universal TV ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas, isaga oo sheegay inaysan suuragal ahayn in dowladda Jabuuti ay ku lug yeelato dil loo geysto qof Soomaali ah. Wuxuu tilmaamay in hadalka Fahad Yaasiin uu ka dhashay caro iyo dareen siyaasadeed.

“Suurtagal ma aha in dowladda Jabuuti ay disho qof Soomaali ah,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle, isaga oo bogaadiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, danjiraha hore ayaa sheegay in wixii khilaaf ama arrimo jiray waqtigaas lagu xaliyay wada hadal iyo is afgarad, isaga oo xusay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay mar walba muujiyeen taageero iyo ixtiraam ay u hayaan Soomaaliya.

Hadaladan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha siyaasadeed ee la xiriira dhacdooyinkii dhacay xilligii dowladdii hore, gaar ahaan arrimaha amniga iyo kiiska Ikraan Tahliil oo si weyn loogu muransan yahay gudaha siyaasadda Soomaaliya.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

19 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.