Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo cambaareysay weerar drone ah oo lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii ciidamada difaaca cirka ee boqortooyada ay sheegeen inay soo rideen diyaaradahaasi kahor inta aysan waxyeello geysan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 18, 2026, 3:04 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo cambaareysay weerar drone ah oo lagu qaaday Sacuudiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii ciidamada difaaca cirka ee boqortooyada ay sheegeen inay soo rideen diyaaradahaasi kahor inta aysan waxyeello geysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Sacuudiga, isla markaana uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay Sacuudiga, ayna taageersan tahay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo ammaanka, midnimada dhuleed iyo xasiloonida boqortooyada. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in weerarrada lagu qaado dalalka iyo xarumaha muhiimka ah ay sii kordhin karaan xiisadaha gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka inay muujiyaan is-xakameyn iyo wada hadal, si looga hortago xaalado amni darro oo horleh. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay dhammaan dhinacyada inay dhowraan sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta xiriirka dowladaha.

Cambaareyntan ayaa kusoo aadeysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo cakiran, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadaha sii fidaan. Dalal badan oo gobolka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay feejignaanta amniga, kadib weerarro iyo hanjabaado isa soo taraya.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo ee gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

19 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.