MUQDISHO — Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadban.
Xamse wuxuu tilmaamay in doorasho dadban aysan suurtagal ka noqon doonin dhinacooda. Wuxuu xusay doorashadii 2022 oo ahayd tii ugu dambeysay ee noocaas ah.
“Hal xabbo waa adagtahay laakiin jidkaas aan qaadayno kaalay jeex igu horsoco,” ayuu yiri Xamse.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada raacsan yihiin in laga guuro doorashada dadban.
“Doorasho dadban ha laga guuro. Nolosha dadban oo dhan ayaan ka guuraynaa waxaanna u guuraynaa barwaaqo,” ayuu hadalkiisa sii watay.
Xamse wuxuu muujiyay go’aan adag oo ah in dalka uu u gudbayo doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah..