Wararka24: 16-02-2026; Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya ayaa Axaddii shaacisay in ciidamadeedu si rasmi ah ula wareegeen saldhigga militari ee Al-Shadadi oo ku yaalla gobolka Xasaka ee waqooyi-bari Suuriya, kaddib is-afgarad iyo wada-hadal dhex maray dhinaca Mareykanka.
Saldhiggan Al-Shadadi ayaa ka mid ahaa xarumaha ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallanka Daacish.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la wareegista ay timid maalmo uun kaddib markii ciidamada dowladda Suuriya ay la wareegeen xarun kale oo istiraatiiji ah oo ku taalla xuduudda Urdun iyo Ciraaq.
Isbeddelkan ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanku Khamiistii xaqiijiyay inay banneeyeen saldhigga Al-Tanf ee ku yaalla soohdinta isku xirta Suuriya, Urdun iyo Ciraaq.
Sidoo kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in bishan ay duqeymo ka fuliyeen bartilmaameedyo ay kooxda Daacish ku lahayd gudaha Suuriya, inkastoo ay kooxdaasi weli firfircoon tahay kaddib jabkii dhulkii ay maamuli jirtay sanadkii 2019.


















