• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidamada Jubbaland oo burburiyay warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Jubbaland oo burburiyay warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose
Share

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu burburiyay warshad qaraxyo, isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay dhulka Baddamadow ee u dhaxeeya magaalooyinka Raaskaambooni iyo Badhaadhe, ayaa lagu beegsaday xarun qaraxyo lagu farsameyn jiray oo ay lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Daraawiishta ay gacanta ku dhigeen warshadda miinooyinka, ayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxdaasi diyaarinaysay. Qoraalka ayaa xusay in goobta laga helay tiro badan oo miinooyin ah.

Intii howlgalka socday, ciidamada ayaa hal meel oo kaliya kasoo qabtay ilaa 90 xabo oo miinooyin ah, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarinayay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo ciidamada. Sawirro muujinaya miinooyinka la qabtay ayaa la soo bandhigay.

Dhanka kale, wararku waxay sheegayaan in maydadka ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab loo qaaday magaalada Raaskaambooni, kadib dagaal culus oo ka dhacay aaggaas. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, si loo ciribtro saldhigyada argagixisada ee ku sugan gobollada Jubbooyinka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.