Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Jubbaland oo burburiyay warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu burburiyay warshad qaraxyo, isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 15, 2026, 1:17 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Jubbaland oo burburiyay warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu burburiyay warshad qaraxyo, isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay dhulka Baddamadow ee u dhaxeeya magaalooyinka Raaskaambooni iyo Badhaadhe, ayaa lagu beegsaday xarun qaraxyo lagu farsameyn jiray oo ay lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Daraawiishta ay gacanta ku dhigeen warshadda miinooyinka, ayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxdaasi diyaarinaysay. Qoraalka ayaa xusay in goobta laga helay tiro badan oo miinooyin ah.

Intii howlgalka socday, ciidamada ayaa hal meel oo kaliya kasoo qabtay ilaa 90 xabo oo miinooyin ah, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarinayay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo ciidamada. Sawirro muujinaya miinooyinka la qabtay ayaa la soo bandhigay.

Dhanka kale, wararku waxay sheegayaan in maydadka ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab loo qaaday magaalada Raaskaambooni, kadib dagaal culus oo ka dhacay aaggaas. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, si loo ciribtro saldhigyada argagixisada ee ku sugan gobollada Jubbooyinka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

19 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

20 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

22 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

23 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

23 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

23 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

23 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.