Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada ammaanka oo howlgal hub ururin ah ka wada Cabdicasiis

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad-sugidda, ayaa saaka howlgallo amni ka bilaabay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadib dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degmadaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 6, 2026, 4:34 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada ammaanka oo howlgal hub ururin ah ka wada Cabdicasiis
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad-sugidda, ayaa saaka howlgallo amni ka bilaabay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadib dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degmadaas.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid lagu baadigoobayo laguna ururinayo hub sharci-darro ah oo la sheegay in lagu qariyay goobo kala duwan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka booliska, howlgalka ayaa diiradda saaraya hubkii ay dowladdu ku eedeysay kooxihii ku lugta lahaa iska horimaadyadii ka dhacay degmada Cabdicasiis. Ciidamada ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Booliska ayaa shacabka degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna ka fogaadaan kaydinta ama qarinta hub sharci-darro ah. Sidoo kale waxaa la adkeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay hub lagu carqaladeyn karo amniga.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale shacabka ku dhiirrigeliyay inay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta hub sharci-darro ah ama dhaqdhaqaaqyo amniga khatar gelin kara.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka guuray aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, iyadoo xaaladda guud ee degmada lagu soo warramayo inay hadda tahay mid deggan marka loo eego maalmihii hore.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, halka dhinacyada mucaaradkuna ay hore u muujiyeen walaac ku saabsan qaabka loo maareynayo xiisadaha siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

24 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.