• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si adag uga hadlay mowqifka siyaasadeed ee Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Cosoble uga digay Shariif Sheekh Axmed inuu qaado waddo siyaasadeed uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta qalalaase iyo khilaaf muddo dheer socda.

Cosoble ayaa dib u xusuusiyay marxaladihii siyaasadeed ee Soomaaliya kasoo maray burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991, isaga oo tusaale usoo qaatay khilaafkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed.

“Jen Caydiid waxa uu sanadkii 1991 diiday labo sano oo uu Cali Mahdi madaxweyne ka ahaado Soomaaliya. Waxay dhashay Cali Mahdi inuu ahaa madaxweyne ilaa iyo sanadkii 2000,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii maanta la diido muddo kordhinta uu sharci ku tilmaamay, ay taasi horseedi karto xaalad sii dheeraata oo la xiriirta hoggaanka dalka iyo doorashooyinka mustaqbalka.

Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa xoogeystay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dhinacyadu ay isku khilaafsan yihiin muddo xileedka hay’adaha federaalka, wax ka beddelka dastuurka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Mucaaradka oo uu kamid yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa ku doodaya in muddo xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka dowladda federaalka ay sheegtay in wax ka beddelka dastuurka cusub uu dhigayo muddo xileed shan sano ah.

Villa Somalia ayaa ku adkeysaneysa in isbeddellada dastuuriga ah ay ku saleysan yihiin hannaan sharci iyo go’aanno ay ansixiyeen hay’adaha dowladda, halka mucaaradku ay qabaan in aan lagu dhaqaaqi karin isbeddel siyaasadeed oo waaweyn iyada oo aan la helin heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sii xoogeysatay maalmahan, iyadoo ay socdaan kulamo, dibadbaxyo iyo dadaallo ay odayaasha dhaqanka ku doonayaan in lagu helo xal siyaasadeed oo lagu dejiyo xaaladda dalka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.