• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Burhaan Aadan Cumar oo ku baaqay hirgelinta dastuurka cusub

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Burhaan Aadan Cumar oo ku baaqay hirgelinta dastuurka cusub
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Burhaan Aadan Cumar, ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda looga baahan yahay inay si buuxda u dhaqan-geliyaan dastuurka cusub ee dhowaan la ansixiyay.

Burhaan ayaa sheegay in dastuurku yahay saldhigga maamulka, sharciyeynta iyo hannaanka dowladnimo ee dalka, isaga oo xusay in hirgelintiisu aysan ku koobnayn daabacaadda iyo qaybinta nuqullada dastuurka oo keliya.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka ay waajib ku tahay inay shaqooyinkooda ku saleeyaan qodobbada dastuurka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xeerar muhiim ah oo dalka yaalla loo baahan yahay in dib loogu waafajiyo dastuurka cusub.

Wuxuu sheegay in sharciyada la xiriira doorashooyinka, axsaabta siyaasadda iyo maamulka dalka ay ka mid yihiin xeerarka mudnaanta leh ee u baahan dib-u-habeyn si ay ula jaanqaadaan qodobbada dastuurka.

Burhaan Aadan Cumar ayaa sidoo kale shaaciyay in guddigu diyaariyay nuqullo dijitaal ah oo dastuurka ah, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed u sahli doona inay si toos ah uga helaan internet-ka. Sida uu sheegay, adeeggan waxaa hirgelisay shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa tiknoolajiyadda.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in geeddi-socodka dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurka uu qaatay waqti dheer, balse uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u horseeday inay yeelato dastuur ay ka shaqeeyeen hay’ado dowladeed iyo khubaro Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in marxaladaha xiga ay ka mid yihiin dhismaha hay’adaha uu dastuurku farayo, waafajinta dastuurada dowlad-goboleedyada iyo hirgelinta qodobbada weli harsan ee la xiriira nidaamka dowladeed.

Hadalka Burhaan ayaa kusoo beegmaya xilli dastuurka cusub uu weli ka taagan yahay muran siyaasadeed, iyadoo dhinacyo kala duwan ay ka qabaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qaabka loo ansixiyay iyo hirgelintiisa.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.