• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Wasiirrada oo shir deg deg ah ka yeelanaya dhaqan-gelinta dastuurka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Golaha Wasiirrada oo shir deg deg ah ka yeelanaya dhaqan-gelinta dastuurka
Share

Wararka24: Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shir aan caadi ahayn oo looga hadlaya arrimo siyaasadeed iyo kuwo dastuuri ah, xilli ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka.

Xassan Sheekh Maxamud iyo dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay shan sano, isla markaana dalka loo gudbinayo nidaam doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday xerada Xalane ee u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo lagu isku dayayay in xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala guurka.

Mucaaradka ayaa dhankooda wada tashiyo ka wada tallaabooyinka ay uga hortagayaan qorshaha dowladda, iyadoo beesha caalamka ay labada dhinac ugu baaqeyso inay dib ugu laabtaan wada-hadallada iyo isu tanaasulka siyaasadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in dalka si rasmi ah loogu gudbayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, kadib markii lagu kala kacay wadahadalladii Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay diideen qorshaha doorashooyinka dadweynaha, halka dowladda ay sheegtay inay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda doorasho.

“Dowladda waxay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in albaabka wada-hadalka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, balse aysan gorgortan ka geli doonin hirgelinta doorashooyinka dadweynaha.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.