• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Bulshada rayidka oo baaq culus ka dirtay khilaafka siyaasadeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Bulshada rayidka oo baaq culus ka dirtay khilaafka siyaasadeed
Share

Wararka24: Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa war culus kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in la helo xal degdeg ah oo looga hortago sii xumaanshaha xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Muxidiin Shaatax, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulamo dhowr maalmood socday ay ku falanqeeyeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Shaatax ayaa sheegay in intii ay socdeen kulamadooda ay la kulmeen siyaasiyiin ka kala tirsan dowladda iyo mucaaradka, isla markaana ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aaddan sida loo wajahayo doorashooyinka dalka. Wuxuu tilmaamay in muranka ugu weyn uusan ahayn qabsoomidda doorashada qof iyo cod, balse uu ku saabsan yahay hannaan lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen bulshada rayidka ayaa lagu sheegay in dhinacyada siyaasadda ay u baahan yihiin inay muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan siyaasadeed, si loo helo heshiis qaran oo horseeda doorasho heshiis lagu yahay.

Bulshada rayidka waxay sidoo kale ka digeen in sii socoshada khilaafka siyaasadeed ay keeni karto kala fogaansho hor leh iyo xaalad amni oo saameyn ku yeelata xasilloonida dalka, xilli Soomaaliya ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo indhaha siyaasadda lagu hayo kulanka 10-ka May ee uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud ku casuumay Golaha Mustaqbalka, kaas oo la filayo inuu noqdo mid muhiim ah oo lagu qiimeeyo fursadda heshiis siyaasadeed oo cusub.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.