Wararka24: 2-02-2026: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay sii daayay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, oo ahaa musharrax si weyn ula loollamayay hoggaankiisa, kana mid ahaa siyaasiyiinta muddo ku jiray xabsi-guri ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Sii deynta Senatorka ayaa timid kaddib heshiis siyaasadeed oo dhex maray Axmed Madoobe, Ilyaas Gaboose, iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, oo isna horey ugu xayirnaa Jubbaland. Dhinacyadu waxay sheegeen inay gaareen is-afgarad buuxa oo ku saleysan wada-shaqeyn, nabad, iyo midnimada Jubbaland.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in la isku raacay in danta guud, xasilloonida, iyo midnimada bulshada Jubbaland ay ka sarreyso khilaaf kasta oo siyaasadeed. “Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubbaland ay ka muhiimsan tahay khilaaf siyasadeed, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka reer Jubbaland,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay tanaasul ballaaran si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanshaha lagu xallin doono waddo nabadeed oo dhowraysa danta guud iyo mustaqbalka shacabka.
Senator Ilyaas Gaboose iyo xubno kale oo mucaarad ahaa ayaa tan iyo dabayaaqadii November 2024 ku jiray xaalad xabsi-guri ah, kaddib muran ka dhashay doorasho ka dhacday Kismaayo, taas oo mucaaradku ku tilmaameen mid aan sharci ahayn. Ilyaas Gaboose ayaa xilligaas ku adkeystay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland, arrintaas oo sii dheereysay khilaafka siyaasadeed iyo xayiraaddiisa.
Sii deynta Senatorka ayaa ku soo aadeysa xilli Jubbaland ay gelayso marxalad cusub oo siyaasadeed, isla markaana ay jirto diyaargarow ku aaddan wada-hadallo ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo Jubbaland ay qayb ka tahay. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid hoos u dhigi karta xiisadda siyaasadeed ee ka jirtay Jubbaland bilihii la soo dhaafay.



















