Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Ciidamo cabasho muujinaya oo xiray waddooyinka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyagoo cabasho ka muujinaya mushahar iyo xuquuq shaqaale oo ay sheegeen inay muddo dheer ka maqnaayeen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 3, 2026, 5:59 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Ciidamo cabasho muujinaya oo xiray waddooyinka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamo ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyagoo cabasho ka muujinaya mushahar iyo xuquuq shaqaale oo ay sheegeen inay muddo dheer ka maqnaayeen.

Qaar kamid ah ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay muddo ku dhow laba sano shaqeynayeen iyagoo aan helin mushaharkooda, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay si degdeg ah uga jawaabto cabashadooda.

Ciidamada ayaa sheegay inay dhowr jeer cabashadooda u gudbiyeen madaxda ay khusayso, balse aysan weli helin jawaab ay ku qancaan ama xal laga gaaro xaaladdooda.

Mid kamid ah ciidamada ayaa sheegay in muddo laba sano ah ay u shaqeynayeen dowladda iyagoo aan helin xuquuqdooda, wuxuuna xusay inay yihiin askar Soomaaliyeed oo u taagan sugidda amniga iyo adeegga qaranka.

“Labo sano ayaan xuquuq la’aan ku shaqeynaynay. Waxaan jecelnahay inaan amniga difaacno oo aan qaranka u shaqeyno. Askar Soomaaliyeed ayaan nahay, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaan nahay,” ayuu yiri mid kamid ah ciidamada.

Ciidamada ayaa sheegay in xiritaanka waddooyinka uu yahay tallaabo ay doonayaan inay dowladda ku gaarsiiyaan cabashadooda, isla markaana ay ka sugayaan madaxda dowladda jawaab rasmi ah oo ku saabsan xaaladdooda.

Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse ay doonayaan in marka hore wax laga qabto mushaharka iyo xuquuqda ay sheegeen inay ka maqnaayeen muddo labo sano ah.

Xiritaanka waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo aan weli la ogeyn muddada ay ciidamada sii wadi doonaan tallaabada ay qaadeen.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Asluubta Soomaaliyeed ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ciidamada iyo sheegashada ah inaysan mushahar helin muddo laba sano ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

23 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.