• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Ciidamo cabasho muujinaya oo xiray waddooyinka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 week ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Ciidamo cabasho muujinaya oo xiray waddooyinka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
Share

Wararka24: Ciidamo ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyagoo cabasho ka muujinaya mushahar iyo xuquuq shaqaale oo ay sheegeen inay muddo dheer ka maqnaayeen.

Qaar kamid ah ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay muddo ku dhow laba sano shaqeynayeen iyagoo aan helin mushaharkooda, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay si degdeg ah uga jawaabto cabashadooda.

Ciidamada ayaa sheegay inay dhowr jeer cabashadooda u gudbiyeen madaxda ay khusayso, balse aysan weli helin jawaab ay ku qancaan ama xal laga gaaro xaaladdooda.

Mid kamid ah ciidamada ayaa sheegay in muddo laba sano ah ay u shaqeynayeen dowladda iyagoo aan helin xuquuqdooda, wuxuuna xusay inay yihiin askar Soomaaliyeed oo u taagan sugidda amniga iyo adeegga qaranka.

“Labo sano ayaan xuquuq la’aan ku shaqeynaynay. Waxaan jecelnahay inaan amniga difaacno oo aan qaranka u shaqeyno. Askar Soomaaliyeed ayaan nahay, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaan nahay,” ayuu yiri mid kamid ah ciidamada.

Ciidamada ayaa sheegay in xiritaanka waddooyinka uu yahay tallaabo ay doonayaan inay dowladda ku gaarsiiyaan cabashadooda, isla markaana ay ka sugayaan madaxda dowladda jawaab rasmi ah oo ku saabsan xaaladdooda.

Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse ay doonayaan in marka hore wax laga qabto mushaharka iyo xuquuqda ay sheegeen inay ka maqnaayeen muddo labo sano ah.

Xiritaanka waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo aan weli la ogeyn muddada ay ciidamada sii wadi doonaan tallaabada ay qaadeen.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Asluubta Soomaaliyeed ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ciidamada iyo sheegashada ah inaysan mushahar helin muddo laba sano ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.