Wararka24: Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qorshaha dib-u-dejinta dadka ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Bayaan maanta kasoo baxay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in qorshahaasi uu waafaqsan yahay talooyin iyo dardaaranno hore oo ay culimadu u jeediyeen maamulka, gaar ahaan baaqa ahaa in la dhowro xuquuqda iyo karaamada dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul.
Muungaab ayaa maalin ka hor sheegay in qorshaha dib-u-dejinta lagu fulinayo jihaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo maamulka ku boorriyay in hawlaha lagu horumarinayo laguna qurxinayo caasimadda ay barbar socdaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaariyey 1,058 boos oo dhul ah, kuwaas oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loogu wareejiyo qoysaska guryahooda ku waayay hawlaha dib-u-qaabaynta iyo jid-bixinta ee ka socda caasimadda.
Culimadu waxay si gaar ah u bogaadiyeen dhulka ay dowladda hoose ee Xamar ka diyaarisay deegaanka Gubadley, kaas oo loogu talagalay dib-u-dejinta dadka ay saameeyeen qorshayaasha horumarinta magaalada.
“Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa qorshaha dowladda hoose ee Xamar ugu diyaarisay deegaanka Gubadley ilaa kun boos oo la dejinayo muwaadiniinta ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Culimadu waxay intaas ku dareen in Muungaab uu ballanqaaday in goobaha dib-u-dejinta laga hirgelin doono adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, korontada, waxbarashada iyo caafimaadka.
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa maamulka ku boorriyay in dib-u-dejinta lagu saleeyo xaqiijin iyo diiwaangelin dhab ah, si loo hubiyo dadka sida dhabta ah u deggenaa goobaha ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta. Waxay sidoo kale sheegeen in mudnaanta la siiyo dadka nugul iyo qoysaska aan awoodin inay si fudud u raadsadaan xuquuqdooda.
Culimadu waxay maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyeen tallaabada ay qaadeen, iyagoo ku boorriyay in hirgelinta qorshaha lagu saleeyo caddaalad, hufnaan iyo sinnaan.
Sidoo kale, waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay taageeraan dadaallada lagu horumarinayo caasimadda, isla markaana si mas’uuliyad iyo wadajir leh uga qaybqaataan qorshayaasha lagu hagaajinayo bilicda, nadaafadda iyo amniga Muqdisho.
Ugu dambayn, culimadu waxay ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha samafalka ugu baaqeen inay ka qaybqaataan taageerada dadka nugul ee dib-u-dejinta loo sameynayo iyo qoysaska u baahan gargaarka.







