• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Caasimadda Suudaan oo bandowgii laga qaaday kadib laba sano oo xariir ah uu socday

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 4 mins read
Caasimadda Suudaan oo bandowgii laga qaaday kadib laba sano oo xariir ah uu socday
Share

Wararka24: Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo militariga ayaa qaaday bandowgii iyo xaaladdii degdegga ahayd ee caasimadda Khartoum, bandowgas oo socday in ka badan laba sano tan iyo markii uu dagaalku dalka ka qarxay. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nolosha caadiga ah caasimadda, inkastoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF uu weli ka socdo qaybo ka mid ah dalka.

Go’aanka ayaa yimid qiyaastii 18 bilood kadib markii Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ay dib ula wareegeen gacan-ku-haynta Khartoum, iyagoo RSF kala wareegay goobo muhiim ah. Dagaalka ayaa hadda galay sannadkiisii afraad, waxaana colaadda ugu daran ay ka socotaa koonfurta iyo galbeedka Suudaan.

Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), in ka badan laba milyan oo qof aya ka qaxay Khartoum tan iyo markii dagaalku billowday Abriil 2023 ayaa. Dowladda ayaa rajaynassysa in qaadista bandowgu ay fududeyso dib u soo kabashada adeegyada iyo dhaqaalaha caasimadda.

Mas’uuliyiintu waxay dib u fureen garoonka diyaaradaha ugu weyn Khartoum, iyadoo qaar ka mid ah duulimaadyada ay dib u bilaawdeen. Dowladda ayaa sidoo kale dhiirrigelinaysa ganacsiyada iyo safaaradaha inay dib ugu soo laabtaan magaalada, hase yeeshee burburka kaabayaasha iyo amni darrada ayaa weli caqabad ku ah dadaallada dib u dhiska.

Qaybo badan oo Khartoum ah ayaa burburay ama la dhacay intii uu dagaalku socday. Koronto la’aanta ayaa weli ah dhibaatada ugu weyn, iyadoo weerarro lagu qaaday kaabayaasha korontada iyo dhaqaale yari adkeeyay dayactirka shabakadda.

Altayeb Saadeldin, oo ah afhayeenka dowladda gobolka Khartoum, ayaa Reuters u sheegay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xatooyada fiilooyinka naxaasta ah, shidaalka iyo qalabka kale ay qayb ka yihiin sababaha keena koronto la’aanta. Ilo xiriir la leh RSF ayaa eedeymaha ku tilmaamay kuwo aan sax ahayn iyo dacaayad militari.

Inkasta oo xaaladdii degdegga ahayd la qaaday, ciidamada ammaanka ayaa sii wadi doona roondooyinka iyo baaritaannada Khartoum. Dadka habeenkii safra ayaa lagu wargeliyay inay wataan dukumentiyada aqoonsiga, iyadoo ciidamada ay sidoo kale raadinayaan xubno RSF ah oo la rumeysan yahay inay weli ku dhuumanayaan magaalada.

Dhinaca kale, colaadda ayaa dhalisay walaac laga qabo inay ku fido dalalka deriska ah. Chad ayaa Suudaan ku eedeysay inay 20-kii Agoosto duqeyn cirka ah ka fulisay gobolka Ennedi-Est, qiyaastii 100 kiiloomitir gudaha dhulka Chad, balse Khartoum ayaa si adag u diiday eedeynta.

Suudaan ayaa sidoo kale Chad ku eedeysay inay fududeyso gaarsiinta taageero militari oo RSF loo diro, iyadoo Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu qayb ka yahay sahaydaas. Chad iyo Imaaraadka ayaa beeniyay eedeymaha, halka khilaafkaas uu sii kordhiyay walaaca caalamiga ah ee ku saabsan ballaarinta dagaalka.

La-taliyaha sare ee Mareykanka ee Arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, ayaa muujiyay walaac ku saabsan in dagaalka Suudaan uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka. Wuxuu ku baaqay xabbad-joojin bani’aadamnimo oo degdeg ah, isagoo sheegay in xal militari uusan soo afjari karin colaadda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.