Wararka24: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismaha waddada ku taalla agagaarka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii waddada ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay caasimadda.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dib u dhiska waddada looga gol leeyahay in wax laga qabto burburka iyo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka, iyadoo waddadan ay muhiim u tahay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.
Maamulka ayaa sheegay in waddada dib loogu soo celin doono xaaladdii ay ku jirtay xilliyadii hore, iyadoo la sameyn doono dib u dayactir iyo shaqooyin lagu hagaajinayo kaabayaasha waddada.
Mas’uul sare oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Docol loo xilsaaray fulinta mashruuca, isla markaana shirkaddu ballanqaadday inay shaqada ku soo gabagabeyn doonto muddo toddobaad ah.
“Waxaan rabnaa inaan ka howlgalno waddada Bakaaraha oo aan dhisno, kuna soo celino sidii bariisamaadkii ay ahaan jirtay. Shirkadda Docol ayaan siinay mashruucaas, iyaduna waxay ballanqaadday in muddo toddobaad ah ay ku dhisto waddadaas,” ayuu yiri mas’uulka.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in waddada la xiri doonto muddada ay shaqadu socoto, gaar ahaan agagaarka isgoyska Bakaaraha, si loo fududeeyo howlaha dhismaha.
Shacabka Muqdisho ayaa laga codsaday inay dulqaad muujiyaan muddada toddobaadka ah ee la qorsheeyay in shaqadu socoto, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ay khusayso si loo yareeyo ciriiriga iyo caqabadaha ka dhasha xiritaanka waddada.
Mas’uulka ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyey culaysyada ay shacabka kala kulmi doonaan xiritaanka waddada, isagoo sheegay in tallaabada loo qaaday horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha magaalada.
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hore u sheegay in qorshayaashiisa horumarinta caasimadda iyo dib u soo celinta bilicda magaalada ay sii soconayaan, iyadoo sidoo kale la xoojinayo dadaallada la xiriira nadaafadda iyo hagaajinta adeegyada bulshada.







