• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 4 mins read
Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia Brian Mundubile ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah, sida uu sheegay qareenkiisa oo lagu magacaba Kambwa Aongola, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii xoogeysanayso kaddib doorashadii madaxtinimada ee 13-kii Agoosto. Mundubile iyo ku-xigeenkiisa Makebi Zulu ayaa labaduba ku jira xabsiga dhexe ee Lusaka.

Qareen Kambwa Aongola ayaa sheegay in labada siyaasi lagu soo oogay dacwadda, halka qareen Milner Katolo uu sheegay in guud ahaan 18 qof lagu soo oogay hal dacwad oo khiyaano qaran ah. Qareenkiisa ayaa sheegay in dacwadda loo baahan yahay in maxkamad la horgeeyo si dowladda loogu qasbo inay soo bandhigto caddeymaha ay ku saleyneyso eedeymaha.

Mundubile ayaa la xiray Khamiistii kaddib markii uu muddo ku jiray meel ammaan uu ah, isagoo ka cararay howlgallo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen hanti lala xiriiriyay isaga. Howlgalkaas ayaa sababay dhimashada wasiirkii hore ee gaadiidka iyo isgaarsiinta, Mutotwe Kafwaya, halka 11 qof oo kale la xiray sida ay sheegeen warbixinno kala duwan.

Mundubile iyo Makebi Zulu ayaa markii magan gelyo ka doontay dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay Lusaka.Iyadoo markii dambe loo gudbiyay ciidamada Zambia, Qaramada Midoobay aya sheegtay in dowladda uu xaqiijisay in madaxdaas la wareejina lana marin doono nidaam sharci oo cadaalad ah.

Xiisadda ayaa ka dhalatay doorashadii 13-kii Agoosto, taas oo Madaxweyne Hakainde Hichilema loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay ku dhowaad 60 boqolkiiba codadka, halka Mundubile uu helay 38 boqolkiiba. Mundubile ayaa diiday natiijada, isagoo sheegay inay jireen khaladaad doorasho, wuxuuna qorsheeyay inuu natiijada maxkamadda ka hor yimaado.

Si kastaba, maxkamadaha Zambia ayaa la xiray 24-kii Agoosto, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee lagu gudbin karay dacwadda doorashada. Mas’uuliyiintu waxay sabab uga dhigeen go’aanka walaac dhinaca amniga ah, taasoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay ku tilmaameen arrin sii kordhisay muranka siyaasadeed.

Dowladda Zambia ayaa hore ugu eedeysay Mundubile iyo kooxdiisa inay qorsheynayeen kacdoon hubeysan ama khatar amni oo ka dhan ah dowladda. Mundubile ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuuna sheegay in mucaaradku uusan wadan qorshe hubeysan.

Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay xarigga siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka kale ee lala xiriiriyay kiiska. Qaramada Midoobay ayaa horey ugu baaqday dowladda Zambia inay dhowrto xuquuqda dadka la xiray iyo xaqa ay u leeyihiin hannaan maxkamadeed oo cadaalad ah.

Madaxweyne Hakainde Hichilema ayaa lagu wadaa inuu bilaabo muddo-xileedkiisa labaad 1-da Sebtembar. Iyadoo dacwadda khiyaano qaran ay hadda maxkamad u gudubtay, kiiska Mundubile ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo doodda ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka dimuqraadiyadda Zambia.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.