Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Turkiga oo sheegay inuu wax xog ah ka haynin duqeynta ka dhacday xeebaha Puntland

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan hayn wax xog ah oo ku saabsan duqeyn ka dhacday xeebaha Puntland, taas oo lagu dilay dad lagu sheegay kalluumaysato iyo shaqsiyaad looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen burcad-badeedda Soomaalida. Hadalka Ankara…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 24, 2026, 6:08 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Turkiga oo sheegay inuu wax xog ah ka haynin duqeynta ka dhacday xeebaha Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan hayn wax xog ah oo ku saabsan duqeyn ka dhacday xeebaha Puntland, taas oo lagu dilay dad lagu sheegay kalluumaysato iyo shaqsiyaad looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen burcad-badeedda Soomaalida. Hadalka Ankara ayaa yimid xilli Puntland ay si adag uga hadashay weerarrada ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo la hadlay BBC Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Turkiga aysan hayn xog ku saabsan duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen xeebaha Puntland. Sarkaalka ayaa sidaas uga jawaabay wararka la xiriirinaya Turkiga weerarrada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka.

Puntland ayaa horay u cambaareysay duqeymaha, iyadoo sheegtay in dadka la beegsaday ay ka mid ahaayeen kalluumaysato iyo dad rayid ah. Maamulka ayaa sidoo kale ku adkeystay in haddii dadka la dilay looga shakisan yahay dambiyo, ay jiraan habraacyo sharci oo loo maro.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Maxamuud Qabowsade, ayaa sheegay in dilka dad aan maxkamad la horgeyn ay ka hor imaan karto shuruucda caalamiga ah. Wuxuu ku baaqay in si cad loo ogaado cidda ka dambeysa weerarrada iyo sababta loo beegsaday dadka ku sugnaa xeebaha.

Maalintii shalay ayaa la sheegay in sagaal qof lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jiifle, oo hoos yimaada Godobjiraan ee gobolka Nugaal. Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta iyo aqoonsiga dhammaan dadka lagu dilay weerarka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarado dagaal oo lagu tuhunsan yahay inay leeyihiin Turkiga ay maalmihii lasoo dhaafay duqeymo ka wadeen goob lagu haysto markabka M/V LUTUF, kaas oo la sheegay inuu xamuul u siday Turkiga. Hase yeeshee, dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan hayn xog ku saabsan duqeymahaas.

Dhanka kale, dadka ku nool deegaannada xeebaha Nugaal ayaa la sheegay inay bilaabeen inay ka cararaan goobaha ay ku nool yihiin, iyagoo ka cabsi qaba in duqeymo kale ay dhacaan. Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay dib uga soo cusboonaadeen afduubka maraakiibta iyo falalka burcad-badeednimada.

Puntland ayaa dalbatay in dhinacyada ku lugta leh howl-gallada xeebaha ay bixiyaan sharaxaad cad, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay la socoto xaaladda ayna diyaarinayso warbixin ku saabsan dhacdooyinka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.