Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inay Dishay horjooge Sare oo Ka Tirsan Golaha Shuurada Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adaha Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, lagu dilay Macalin Jinaaw Ibraahim, oo dowladda ku tilmaantay horjooge sare…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 20, 2026, 6:08 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inay Dishay horjooge Sare oo Ka Tirsan Golaha Shuurada Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adaha Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, lagu dilay Macalin Jinaaw Ibraahim, oo dowladda ku tilmaantay horjooge sare oo ka tirsanaa Golaha Shuurada Al-Shabaab.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa lagu sheegay in hawlgalku dhacay 5-tii Luulyo 2026, kadib baaritaan iyo daba-gal sirdoon oo socday muddo 14 bilood ah.

Sida uu wasiirku sheegay, duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Sabiyo oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellada Hoose. Dowladda ayaa sheegtay in Macalin Jinaaw lagu bartilmaameedsaday isagoo ku sugnaa cariish ku dhex taalla beer, halkaas oo ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Macalin Jinaaw uu ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa xubinta sagaalaad ee Golaha Shuurada kooxda. Dowladda ayaa ku eedeysay inuu door muhiim ah ku lahaa abaabulka dagaallada, ururinta lacago baad ah, iyo qorsheynta weerarro laga fuliyay gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in horjoogaha uu mas’uul ka ahaa falal ay ka mid yihiin qasab lagu askareeyo carruur, hub ka ururin beelaha iyo cabburinta waxgaradka deegaannada. Wasiir Fiqi wuxuu xusay in geeridiisa la xaqiijiyay kadib markii la helay xog sirdoon oo caddeysay inuu ku dhintay duqeynta.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka sare ee Al-Shabaab ay sii socon doonaan, isagoo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga, isla markaana uga mahadceliyay saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay siiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

9 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

10 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

12 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

12 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

13 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

13 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

13 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

13 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.