Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo si adag u beeniyay eedeymihii Abshirow

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo uu u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo la xiriiray xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 4:54 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo si adag u beeniyay eedeymihii Abshirow
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo uu u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo la xiriiray xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose.

Abshirow ayaa ku eedeeyay Jeneraal Cabdalla inuu ku lug leeyahay abaabulka kooxo hubeysan iyo qorshe lagu dhisayo maamul ka madax-bannaan maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero u fidinayso dhaqdhaqaaqyo ka socda magaalada Marka iyo deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.

Qoraal uu soo saaray, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn. Wuxuu sheegay inay tahay arrin laga xumaado in shacabka Shabeellaha Hoose lagu tilmaamo maleeshiyaad, isagoo xusay inay door muhiim ah ka qaataan difaaca dalka iyo garab istaagga Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraalka ayaa sheegay in hadallada loo jeediyay ay yihiin eedeymo aan xaqiiqo ku dhisnayn, isla markaana ay u muuqdaan kuwo leh ujeeddooyin siyaasadeed. Wuxuu adkeeyay inuusan wax lug ah ku lahayn abaabul kasta oo lagu eedeeyay.

Dhankiisa, Jeneraal Cabdalla ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka, isagoo ku andacooday inuu hore ula soo shaqeeyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu weli isku dayayo inuu abuuro kala qaybsanaan iyo iska horimaad bulshada dhexdeeda. Wuxuu sheegay in maanta shacabka iyo dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed iyo eedeymo la xiriira amniga iyo maamulka deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo aan jirin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa eedeymaha ay labada dhinac isu jeediyeen.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

5 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.