Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ama lagu la'yahay badda Mediterranean-ka kadib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay meel ka baxsan…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 15, 2026, 12:06 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ama lagu la’yahay badda Mediterranean-ka kadib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha bari ee Liibiya.

Sida ay ilo amni u sheegeen Reuters, 10 qof ayaa laga soo badbaadiyay shilka. Dadkaas ayaa laga helay agagaarka jasiiradda El-Bardaa oo qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tobruk, una dhow xadka Masar.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ku dhowaad 60 muhaajiriin ah oo kasoo jeeday dalal kala duwan oo ku yaalla Afrika. Waxay sheegeen in safarkoda badda ay billabeen aroortii hore, ka hor inta aysan doontu degin.

Liibiya ayaa weli ah marin muhiim u ah muhaajiriinta isku daya inay gaaraan Yurub, iyagoo ka tallaabaya saxaraha iyo badda Mediterranean-ka. Hay’adaha caalamiga ah ayaa marar badan ka digay halista safarradaasi, kuwaas oo sannad kasta sababa dhimasho iyo dad badan oo lagu la’yahay badda.

Dhacdo kale oo ka dhacday isla gobolka, kooxaha gurmadka ee magaalada Tobruk ayaa Isniintii soo saaray meydadka afar muhaajiriin ah, halka ay badbaadiyeen 24 kale kadib markii doontoodii ay laba toddobaad ku dhex sabeynaysay biyaha Liibiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in afarta qof ay u geeriyoodeen duruufihii adkaa ee ay kala kulmeen safarka badda, halka dadka la badbaadiyay loo qaaday isbitaallo si loo siiyo daryeel caafimaad. Bishii Juun, sidoo kale waxaa xeebaha Tobruk laga soo saaray meydadka ku dhowaad 26 muhaajiriin ah kadib markii doon kale ay ku degtay meel u dhow magaalada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.