Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mareykanka oo ka hadlay xadgudubkii calankiisa loogu geystay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii lagu arkay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, iyadoo soo dhaweysay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga falcelisay arrintaas.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 13, 2026, 12:40 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo ka hadlay xadgudubkii calankiisa loogu geystay Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii lagu arkay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, iyadoo soo dhaweysay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga falcelisay arrintaas.

Bayaan ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay dowladda Soomaaliya sida degdegga ah ee ay u baartey dhacdada isla markaana u soo xirtay dadka looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falkaasi.

Safaaraddu waxay sheegtay in dadka isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ay waxyeello u geysanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo carrabka ku adkeysay in cid kasta oo ku lug leh falalkaas lala xisaabtamo.

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in uu muddo dheer taageero dhinacyo badan ah siiyay Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iskaashiga labada dal.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen falka lagu xadgudbay calanka Mareykanka. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhammaan eedeysanayaashu ay ku jiraan gacanta dowladda, isla markaana lagu wado in la marsiiyo tallaabooyin waafaqsan sharciga.

Wasaaraddu waxay mar kale caddeysay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya sharafta Ciidamada Qalabka Sida ama saameyn ku yeelan kara xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo sheegtay in baaritaannada la xiriira dhacdada ay weli socdaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.