• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Maxa iska badalay Wada hadaladi Israel iyo Xamaas? Netanyahu oo sheegay in duqaymihii xalay ay socondoonan + sababta?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Israel iyo Xamaas.
Share

Israel iyo Xamaas.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu amray duqaymihii xalay ee gilgilay Marinka Gaza, isagoo tilmaamay inay sabab u noqotay horumar la’aanta wada hadalada u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Xamaas. “Wixii hadda ka dambeeya, Israel waxay qaadi doontaa tallaabooyin ka dhan ah Xamaas, iyadoo kordhineysa hawlgalada militariga,” ayuu ku sheegay war saaka ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa dhankiisa ku hanjabay in ay awood u adeegsan doonaan sidii maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza ay dib ugu soo celin lahaayeen guryahooda.

Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay Xamaas inay diidan tahay in la kordhiyo wejigii koowaad ee heshiiskii xabad joojinta ee dhammaaday 1-dii bishan.

Wada hadaladii ugu dambeeyay ee toddobaadkii hore ka qabsoomay dalka Qatar ayaa waxaa hareeyay is mari-waa soo jiitamayay toddobaadyadan. Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo heshiis ah, oo wejigiisii koowaadna uu soconayo lix toddobaad oo ka bilaabanayay 19-kii January.

Marxaladda labaadna ay Israel ciidamadeeda kala wada baxeyso Marinka Gaza. Muddadii uu socday wejiga koowaad ayay labada dhinac isku dhaafsadeen maxaabiis badan.

Israel ayaa dalbatay in la kordhiyo waqtiga xabad joojinta ee wejiga koowaad, lana sii wado is dhaafsiga maxaabiista, halka Xamaas ay ku adkeysatay in loo gudbo marxaladda labaad, sida ku cad is afgaradkoodii hore.

Sababta Netanyahu u diidan yahay wejiga labaad ee wada hadalada Israel iyo Xamaas

Sababta ay Israel u diidan tahay in ay gasho wejiga labaad ee heshiiska, waa iyadoo ka carareyso in ciidamadeeda ay kala baxdo meelaha ay haatan ka joogaan Marinka Gaza. Tani waa sababta ay u dalbaneyso in la kordhiyo xabad joojintii jilicsaneyd ee Gaza ka jirtay.

Marxaladda labaad ayaa horseedeysa in la soo afjaro colaadda Gaza, ka dib wax ka badan 15 bilood oo dagaal lagu riiqmay ah. Labada dhinac ayaana isku khilaafsan, halka looga dhaqaaqayo isgoyska la taagan yahay.

Diidmada bilowgii ka timid dhinaca Israel ee ku saabsaneyd inaysan geli doonin wejiga labaad ee heshiiska ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee soo food saartay heshiiska.

Tallaabada ugu dambeysay iyo saamaynta Gaza

Israel ayaa 2-dii bishan dib u soo celisay xanibaaddii ay ku haysay qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, waxaana xigay korontada oo ay ka jirtay dhulka go’doonsan.

Tallaabadii ugu dambeysay ay Israel xalay dib ugu bilowday weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee dadka Gaza ayaa calaamad u ah in Tel Aviv ay burburisay heshiiskii halka lug ku taagnaa. Weeraradan ayaa soo afjaray ku dhawaad laba bilood oo deganaansho ay ka jirtay Marinka Gaza.

Dadka reer Gaza ayaa u muuqdo in ay ku laabanayaan waqtigii adkaa ee colaadda, iyadoo lagu guda jiro tobanka dhexe ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Xamaas waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in heshiiska uu sii shaqeeyo, haddii Netanyahu uu dhankiisa diyaar u yahay in uu aqbalo in loo gudbo wejiga labaad, si loo xaqiijiyo hirgelinta is fahamkii hore ee la gaaray.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Israel iyo Xamaaswararka caalamkawararka manta
Previous Post

Ciidanka Asluubta oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab marki ugu Horeysay + SAWIRO

Next Post

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab kale manta + wadanka laga leeyahay?

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Frank Caprio

Frank Caprio Garsoorihii ugu Naxariista Badnaa Maraykanka, oo ku Geeriyooday 88 Jir

by Abdirahman Dahir
August 21, 2025

Frank Caprio, garsoorihii Maraykanka ee caan ku ahaa dulqaadka iyo naxariista uu umuujin jiray dadka maxkamadiisa yimaada, ayaa...

Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump oo ka hadlay wakhtiga uu dhamaanayo dagaalka ukraine.

by Yasmin Jamal
August 19, 2025

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay wakhtiga uu dhamaanayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka kadib markii la waydiiyey su'aalo ku...

Hoggaamiyeyaasha Yurub

Yurub oo aad ugu cabsi qabto, kulanka trump iyo putin. Maxaa cusub?

by Abdirahman Dahir
August 13, 2025

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa aad ugu cabsi qabo shirka u dhexeeya Madaxweynaha mareekanka Trump iyo dhigiisa dalka rushka Putin...

61 qof

Deg Deg: 61 Qof oo ku dhintay dab ka kacay suuq ku yaalla Ciraaq

by Yasmin Jamal
July 17, 2025

BAGHDAD — Ugu yaraan 61 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii dab xoogan...

nato

NATO oo diyaar u ah qorshe cusub oo ad ugu careysiindona rushka?

by Yasmin Jamal
July 14, 2025

BRUSSELS — Dalal ka tirsan NATO iyo Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ukraine siiyaan gantaallada...

Kurdiyiin oo Manta Hubka Dhigay 40 Sano Kadib.

Kurdiyiin oo Manta Hubka Dhigay 40 Sano Kadib.

by Yasmin Jamal
July 11, 2025

ANKARA — Kooxda Kurdiyiin (Kurdistan Workers' Party) (PKK) ayaa maanta ku dhawaaqday joojinta dagaalka ay 40 sano kula...

Next Post
Burcad-badeed Soomaali

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab kale manta + wadanka laga leeyahay?

Daraawiishta Puntland iyo Daacish

Daraawiishta Puntland: Dagaal culus oo ka dhacay buuraleyda Xabley oo Kadan ah Daacish

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe Dhiig itobiyaan ah aya ku jira, Safiir Itoobiyan ah ayaa sida yidhi..

Recommended

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

6 months ago
Gobalka shabellaha Dhexe

WAR DEGDEG AH: Xaduudadaha Gobalka shabellaha Dhexe Ayaa gabi ahaanba manta Xiran + SAWIRO

6 months ago
Xildhibaanad Gobsan

Daawo: Xildhibaan Gobsan. Difaaca Somaliland waa waajib sida shanta salaadood.

2 weeks ago
Puntland ayaa

DG-Puntland Ayaa Shaacisay Tirada Qoysaska Ku Barakacay Dagaalka kadhanka Daacish

6 months ago
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan ciri

Madaxweynaha Somaliland oo Kulamo ka Wado Dubai

6 months ago
NISA

Sarkaal Katirsanaa NISA oo Fahad udhawa & khubaro cadaan ah, oo Qorshe Culus kawada Somaliland + Fahfahin?

4 months ago
nato

NATO oo diyaar u ah qorshe cusub oo ad ugu careysiindona rushka?

1 month ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.