• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shirka Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo maanta ka furmay Muqdisho

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Shirka Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo maanta ka furmay Muqdisho
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa waxaa fududeynaya wakiillo ka socda dowladda Turkiga, waxaana la filayaa in dhinacyadu ay ka wada hadlaan qodobbo muddooyinkii dambe saldhig u ahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay soo bandhigi doonaan aragtiyo cusub oo ku saabsan nooca doorasho ee xilligan dalka ka qabsoomi karta, iyadoo ay hore u muujiyeen diidmo ku aaddan qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda federaalku waddo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada ka socday kulamo hordhac ah oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac, kuwaas oo lagu falanqeeyay ajendaha shirka, qodobada miiska saaran iyo habka loo wajihi karo doodaha la filayo inay kasoo baxaan wada-hadallada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in mucaaradku dib u eegis ku sameeyay qaar kamid ah mowqifyadoodii hore, isla markaana ay diyaariyeen hindise siyaasadeed oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka, kaas oo ay u arkaan mid dalka ka hirgeli kara xaaladaha jira.

Dhinaca kale, wafdiga Turkiga ee ka qeyb qaadanaya dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay dhinacyada siyaasadda, si loo abuuro jawi ku habboon wada-hadallada iyo in la helo is-afgarad lagu xallin karo muranka taagan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn indhaha loogu hayaa natiijada kasoo baxda wada-hadalladan, maadaama ay saameyn ku yeelan karaan jihada siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiin karo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.