Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sheegay inuu doonaya in xiriirka Mareykanka lagu daro maalgashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso in xiriirka kala dhexeeya Mareykanka uu ka gudbo dhinaca amniga, isla markaana lagu ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 1:25 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo sheegay inuu doonaya in xiriirka Mareykanka lagu daro maalgashi
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso in xiriirka kala dhexeeya Mareykanka uu ka gudbo dhinaca amniga, isla markaana lagu ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taas oo lagu xusayay sannad-guurada 250-aad ee kasoo wareegtay madax-bannaanida Mareykanka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta raadineyso iskaashi cusub oo ku saleysan horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga amniga uu weli muhiim u yahay labada dal, maadaama Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay xoojinayso awoodda hay’adaha amniga qaranka. Hase yeeshee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ajandaha labada dal uu ka ballaaran yahay dhinaca amniga oo keliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, isagoo xusay in dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, kheyraad badeed, dhul beereed iyo suuq u baahan maalgelin iyo kaabayaal dhaqaale.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay waddo dib-u-habeyn dhinaca sharciyada iyo hay’adaha ah, si loo abuuro jawi ku habboon ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah. Sida uu sheegay, isbeddelladaasi waxay qayb ka yihiin qorshaha lagu dhisayo dhaqaale awood u leh inuu tartan la galo dalalka gobolka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli Mareykanku uu weli ka mid yahay taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada dhaqaalaha. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in iskaashiga labada dal lagu daro dhinacyo horumarineed oo horseedi kara fursado dhaqaale iyo maalgashi oo cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay muddo dheer siineysay Soomaaliya, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in xiriirka labada dal uu yeesho wajiyo cusub oo ku saleysan iskaashi dhaqaale iyo horumar waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

3 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

3 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

4 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.