Wararka24: Maamulka Puntland ayaa xiray laba sarkaal oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Danab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka wadeen magaalada Garoowe hawlo la xiriira qorista ciidamo loo tababarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in labada sarkaal lagu qabtay gudaha magaalada Garoowe, halka sarkaal saddexaad lagu soo warramay inuu u baxsaday dhinaca magaalada Laascaanood. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in saraakiisha ay wateen gaari nooca Brooke ah oo ka yimid Laascaanood kuna sii jeeday Garoowe.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdada, mana jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska Ciidanka Danab oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay saraakiisha la xiray.
Puntland ayaa hore u sheegtay in aan deegaannadeeda laga fulin karin qorista ciidamo ay maamusho dowladda federaalka, iyadoo ku dooday in arrintaasi ay ka hor imaanayso go’aannada iyo siyaasadaha amniga ee maamulka.
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, awood-qaybsiga iyo hannaanka maamulka dalka.
Qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonnada gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara xiisad hor leh, iyagoo ku baaqay in lagu xalliyo khilaafaadka jira wada-hadal iyo is-afgarad.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan dowladda federaalka ku eedeeyay inay waddo qorshe uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo sheegay in ciidamada maamulka ay diyaar u yihiin sugidda amniga deegaannada ay maamulaan.


















