Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mahad Salaad oo Balanballe ka dhagax-dhigay xero cusub oo NISA yeelanayso

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelan doonaan ciidamada hay’adda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 5:19 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Mahad Salaad oo Balanballe ka dhagax-dhigay xero cusub oo NISA yeelanayso
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelan doonaan ciidamada hay’adda.

Xeradan cusub ayaa loogu talagalay inay saldhig u noqoto ciidamada NISA ee ka shaqeyn doona sugidda amniga degmada Balanballe iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo la filayo inay gacan ka geysato xoojinta amniga gobolka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga.

Mahad Salaad, oo safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug, ayaa intii uu ku sugnaa gobolka Galgaduud kormeeray xaaladda amniga, gaar ahaan degmooyinka ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakiisha amniga, maamulka degmada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, ilaalinta nabadda iyo taageeridda dadaallada sugidda amniga.

Maalmo ka hor, Mahad Salaad ayaa magaalada Caabudwaaq ka dhagax-dhigay xero kale oo ay yeelan doonto NISA, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu ballaarinayo xarumaha amniga ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in xarumaha cusub ay muhiim u yihiin sugidda amniga deegaannada gobolka, isla markaana ay door ka qaadan doonaan la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah xasilloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay dadaallada lagu ballaarinayo xarumaha ciidamada iyo hay’adaha amniga ee gobollada dalka, si loo taageero howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.