Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Ra’iisul Wasaara Xamza oo difaacay qorshaha dowladda ee Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa difaacay qorshaha Dowladda Federaalka ee ka socda deegaannada Puntland, isaga oo sheegay in dowladda ay gudaneyso waajibaadkeeda qaran, ayna xaq u leedahay inay adeegyo gaarsiiso dhammaan qaybaha dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 29, 2026, 5:08 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ra’iisul Wasaara Xamza oo difaacay qorshaha dowladda ee Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa difaacay qorshaha Dowladda Federaalka ee ka socda deegaannada Puntland, isaga oo sheegay in dowladda ay gudaneyso waajibaadkeeda qaran, ayna xaq u leedahay inay adeegyo gaarsiiso dhammaan qaybaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isagoo meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay faragelin ku hayso Puntland.

Xamza ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dalka oo dhan, isla markaana ay xaq u leedahay inay shaqaale qorto, adeegyo gaarsiiso iyo inay booqato deegaan kasta oo Soomaaliyeed.

“Goormee noqotay in dowladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gayso, qof Soomaali ah shaqaaleysiiso ama booqato ay noqoto faragelin?” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadallada Xamza ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira qorista ciidamada iyo maamulka amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda, isagoo ku eedeeyay inay mudnaanta siinayaan dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii ay ka hormarin lahaayeen danta guud ee dalka.

Dhankiisa, maamulka Puntland ayaa hore uga horyimid tallaabooyinka dowladda dhexe ee ku saabsan abaabulka ciidamada gudaha Puntland, isagoo ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya nidaamka federaalka.

Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe ayaa sii xoogeysanayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

3 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

3 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

4 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.